Warqad uu C/weli Gaas u diray Finland oo diidmo iyo dood laga keenay (Arag)

Jaaliyadda Puntland ee dalka Finland, ayaa qaadacday Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Puntland Cabdi Weli Gaas, oo jaaliyaddaas ku wajahneyd.

Warqadda uu Gaas u diray Finland ayuu ku sheegay inuu Eng. Cabdirisaaq Muuse Cali (Ilweyn) u magacaabay wakiilka jaaliyadda Finland ee dowladda Puntland.

gaas warqad

War-murtiyeed uu soo saaray Guddoonka Guud ee Dalladda Ururrada Puntland ee Finland ayaa looga hadlay qodobada hoos ku qoran:-

Guddoonka Guud ee Dalladda Ururrada Puntland ee Finland [DUPF] ayaa Sabti, 19:00, 04.10.2014, shir ku yeeshey xarunta dalladda ee Korppaanmäentie 26 E LI 1, Helsinki, Finland.

Isagoo aad ugu qancay dhaammaan hawlihii DUPF billooyinkii ay jirtey qabatay iskuna dhiirrigeliyey in halkaa ay waxqabadkeeda ka sii waddo, Guddoonku wuxuu isku dhiirrigeliyey in hawllo badan ay dhawrayaan in uu wax ka qabto, ama ha noqoto Finland ama Puntland, oo loo baahan yahay in guntiga dhiisha laysaga dhigo.

Xoojinta Hababka Shaqada iyo Iskaashiga

Isagoo awood xor ah (discretion) ka haysta Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa Wakiilka Dawladda Puntland ee Iskandinaaviya Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil “Baydhabo” uu Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac “Jannaggale” u soo magacaabay Wakiilka Dawladda Puntland ee Finland.

Muddo gaaban ayay labada guddoomiye soo wada shaqeeyeen, hawllo badan oo faa’ido lehna way soo wada qabteen, waxaa ka dhex abuurantay kalsooni, is-aamminid iyo is-qaddarin.

Guddoonka Guud ee DUPF wuxuu qiimeeyn weyn siiyey wada shaqeeynta hufan ee ku saleeysan waddaniyadda iyo walaalnimada ee ka dhexeeysa Wakiilka Dawladda Puntland ee Iskandinaaviya Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil “Baydhabo” iyo Wakiilka Dawladda Puntland ee Finland, Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac “Jannaggale”. Wuxuu u arkaa in ay tahay mid midho wax-ku-ool leh dhalay. Dalladdu waxay ballanqaadaysaa in wada shaqeeynta ay sii xoojiso si mustaqbalka loo asaaso dallad guud oo Puntlandida Iskandinaaviya ku nool leedahay.

Carqalad soo Korodhay

Xubnaha Guddoonka Guud ee DUPF waxaa kedis iyo lamafilaan ku noqotay wareegtadii ee Xeer Madaxweyne Lr ahaa 131 ee soo baxday Bishii Sebtembar 24dii 2014ka, kuna saabsan magacaabidda Wakiilka Jaaliyadda Finland oo uu ku saxiixanyahay Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

DUPF oo ay xubin ka wada yihiin dhammaan intooda badan qaybaha kala duwan ee bulshada Reer Puntland ee Finland – dhallinyarada, haweenka iyo odayaasha – waxay go’aankaa madaxweynuhu u aragtaa mid carqalad ku ah midnimada, walaalnimada, wada shaqeeynta iyo is-kaashiga Puntlandida Finland deggan.

Waxay kala dhantaallaysaa hawlihii wax-qabad oo ay DUPF ku mideeysnayd. Waxay meel-ka-dhac weyn ku tahay beesha Puntllandida ku nool Finland oo aan lagala tashan arrinkaas. Sidoo kale waxay meel-ka-dhac iyo qiimedhac weyn ku tahay Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil “Baydhabo” oo hawlihiisii iyo xilkiisii shaqo loo gacandhaafay.

Haddaba Maxaa DUPF la Gudboon?

In go’aanka Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu yahay mid uu ku degdegey oo aan sinnaba dalladdu ugu cuntamayn.

In DUPF ay Dr Maxamed Cabdi Ismaaciil “Baydhabo” ka raalli gelinayso sida hawlisii loogu gacandhaafay.

In dalladdu dadaalkeedii waxqabad ee Puntland ku aaddanaa uu halkiisii ka sii socon doono.

In DUPF ay garab iyo gaashaan dhinac taagantahay Mudane Cabdifataax Cabdullaahi Jaamac “Jannaggale”. Waxay ku dhiirrigelinaysaa in aanu ka niyadjebin oo hawlihiisii tabarruca ahaa uu sidoodii iyo si ka sii wanaagsan u guto.

Guddoonka Guud ee Dalladda Ururrada Puntland ee Finland (DUPF)