Deni oo ka hadlay sababta keentay shirkii uu Garowe kula yeeshay A/Madoobe

Garoowe (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ka dambeeyay inay Magaalada Garoowe kulan gaar ah ku yeeshaan isaga iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Deni waxaa uu sheegay in shirkaasi uu lahaa hal ujeedo oo ah sidii Madaxda Puntland iyo Jubaland ay mowqif midaysan uga yeelan lahaayeen Xaaladda Siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaanna Arrimaha Doorashada 2020/2021.

Madaxweynaha Puntland waxaa uu sheegay in shirkii ay Magaalada Garoowe ku yeesheen isaga iyo Madaxweynaha Jubbaland uu kusoo dhamaaday guul, isla markaana ay soo wada saareen go’aano ay ku mideysan yihiin.

Madaxweynayaasha maamullada Jubbalnad iyo Puntland oo maalmihii u dambeeyey shirar ku lahaa magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa soo saaray war-saxaafadeed ku aadan waxyaabihii ay ka wada-hadleen labada dhinac.

Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka arrinsadeen xaaladda guud ee  dalka, si loo gaaro xal siyaasadeed, ka hor doorashooyinka 2020/2021-ka.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay inay wada-hadal dhanka teleefanka la yeesheen madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ay isla garteen in xal mideysan laga gaaro xaaladda dalka, gaar ahaan arrimah doorashooyinka dalka.

War-murtiyeeedka ay soo saareen Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayaa sidoo kale lagu sheegay  inay wada-hadal la geli doonaan dowladda federaalka ah, islamarkaana ay imaan doonaan Muqdisho oo uu ka dhici doono shirweyne wada-tashi ah oo dhex-mari doono madaxda dowladda dhexe, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyd kale ee dalka.