Deni oo laga dalbaday amar deg deg ah oo ku saabsan dagaalka ka socda Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Nabaddoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim ‘Xarago’ ayaa si adag uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Boosaaso ee galay maalintii labaad, kaasi oo u dhaxeeya ciiddanka amniga Puntland iyo ciiddamo daacad u ah agaasimihii hore ee ciiddanka PSF, Maxamuud Cismaan Diyaano.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyadda dagaalkaasi iyo wixii dhiba ah ee ka dhacay magaalada Boosaaso ay qaadi doonto xukuumadda Puntland ee uu ugu horreeyo Madaxweyne Saciid Deni iyo cid kasta oo geysatay.

“Xabadu xal maaha, wax lagu fikirana ma aha. Waxgaradka iyo guud ahaan bulshada reer Boosaaso waxaa ugu baaqaya inay xakameeyan oo arrimaha meesha ka jirana xalkooda iyo wanaagoodana ka shaqeeyan,” ayuu yiri Nabaddoonka.

Nabaddoon Cabdulqaadir Xarago ayaa sidoo kale ku baaqay in labada dhinac ee ku dagaalamaya Boosaaso ay joojiyaan xabada, islamarkaana laga wada shaqeeyo sidii xiisada loogu xalin lahaa wax walba oo xal noqon.

“Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaa ugu baaqaya in uu amar ku bixiyo in dagaalkaas uu joojiyo, kuna dayo wax walba oo arrintaan lagaga gudbi karo. Sidoo kale Saraakiisha PSF ay xabad joojin sameeyan oo deganaan ku soo celinayaan magaalada Boosaaso.”

Waxa uu shaaciyey shir deg deg ah oo gobolka Bari iskugu imanayaan, kaasi oo uu sheegay inay aayahooda uga tashanayaan, si looga gudbo xiisada dagaal ee ka taagan magaalada ganacsi ee Puntland.

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in meel looga soo wada-jeesto dagaal ka dhaca gobolka Bari iyo guud ahaan Puntland, islamarkaana lagula xisaabtamo dadka ka mas’uulka ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii