Xog: Khasaaraha dagaalkii Boosaaso kasoo kala gaaray ciidamada Puntland iyo PSF

Boosaaso (Caasimada Online) – Dagaalkii u dhaxeeyey ciidamada PSF iyo kuwa Puntland ee maanta ka qarxay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa hadda qaboobay, iyadoo rasaas goos-goos ah weli laga maqlayo gudaha magaalada.

Dagaalkaas oo saacado socday ayaa waxaa ka dhashay khasaaro xoog leh oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamayey iyo dad Shacab ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Dagaalka oo barqanimadi maanta ah ka bilowday Boosaaso ayaa lagu soo waramaya in illa iyo hadda inta la xaqiijiyay ay ku dhinteen Saddex qof oo laba kamid ah ay yihiin Shacab.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramaya in ciidamada Puntland ay dhankooda uga dhaawacmeen 6 askari, halka kuwa PSF uu dhaawac ka soo gaaray 8 askari, dadka shacabka ah ee dagaalka ku dhaawacmay ayaa waxaa sidoo kale la sheegay inay tiradoodu gaareyso 7 qof.

Maamulka magaalada Boosaaso ayaa dhankooda ku eedeyay in dagaalka ay qeyb ka yihiin ciidamada Gorgor ee dolwadda feeraalka Soomaaliya, islamarkaana ay hoobiyayaal ku garaaceen qaybo kamid ah magaalada.

Ciidamada PSF ayaa sheegtay inay la wareegeen xarunta madaxtooyada ee magaalada Boosaaso iyo xaafadaha u dhow dhow, inkasta oo aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijiyey sheegashadooda.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa lasoo sheegayaa inuu wado diyaarinta ciidamo kale oo weerar ku qaada Boosaaso, waxaana laga cabsi qabaa inuu mar kale dagaalka xoogeysto.

Si kastaba, wada-hadalo muddooyinkii ugu dambeysay loogu jiray in lagu soo afjaro xiisadaha Boosaaso ayaa guul-daraystay, kadib markii labada dhinac ay ku heshiin waayeen go’aanno kasoo baxay Isimada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii