28.9 C
Mogadishu
Friday, June 13, 2025

SACIID DENI oo lugaha la galay fadeexad la mid ah tan haysata Xasan Sheekh

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Waxgaradka iyo siyaasiinta gobolka Mudug ee dhinaca Puntland ayaa soo saaray bayaan culus oo ku socda Madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullahi Deni, kaas oo ay uga hadleen xaaladda uu ku sugan yahay gobolka ee amniga, horumarka iyo dhulka danta guud oo ay sheegeen in la xaraashayo.

Bayaanka ayaa sidoo kale eedeymo waawayn loogu jeediyay hoggaanka Puntland, waxaana xukuumadda loogu soo jeediyay baaq ku aaddan in si deg-deg ah ay wax uga qabato xaaladda amni-xumo iyo horumad la’aan ee ka jirta gobolka Mudug, gaar ahaan colaadaha qabiilka iyo sidoo kale mashaariicda xanniban.

“Waxaan xukuumadda ka dalbanaynaa in ay si degdeg ah oo shuruud la’aan ah u fasaxdo mashaariicda gobolka ka xanniban oo uu ugu horreeyo jidka Xarfo-Galkacyo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Siyaasiyiinta iyo aqoonyahannada ku mideysan bayaankan ayaa si gaar ah Madaxweyne Deni ugu eedeeyay inuu iibinayo dhulalka danta-guud ee ku yaalla gobolka, iyada oo aan loo marin hannaan sharci ah, waxayna sidoo kale dalbadeen in la joojiyo iibinta dhulalkaas.

Tani waa fadeexo lamid ah midda haysata Madaxweyne Xasan Sheekh oo maamulkiisa lagu eedeeyo dhul boobka ka socda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

“Waxaan ogsoonahay in ay jiraan dhulal dowladdu gadeyso, iyadoo aan loo marin hannaan sax ah. Haddaba waxaan ku baaqeynaa in la joojiyo iibka dhulalka aan dadka gobolku xog ogaal u ahayn, waxna loogu qabaneyn,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay siyaasiyiinta.

Waxaa kale oo ay ku baaqeen in la joojiyo dhammaan dagaalada sokeeye ee ka socda Mudug, laguna dhammeeyo wada-hadal nabadeed, si loo soo afjaro xiisadaha taagan, gaar ahaan dilalka aanooyinka qabiil ee kusoo noq-noqda gobolkaasi.

Dhinacyadan waxaa kale oo ay ku baaqeen si si deg deg ah la’isugu yimaado shirweyne muhiim ah oo ay yeelanayaan  dhammaan siyaasiyiinta iyo waxgaradka Mudug, kaas  oo looga arrinsanayo horumarinta iyo xal u helidda dhibaatooyinka ka jira gobolkaasi.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa Gaalkacyo iyo deegaannada Mudug ka socday dhaq-dhaqaaqyo culus, iyada oo bulshada ay saluug ka muujinayeen in laga gaabiyay waxqabadkii ay ka filinayeen xukuumaddooda, lagana jartay mashaariicdii gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News