DENI oo maamul cusub u magacaabay Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online) – Wareegto ka soo baxdey Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu kala direy golihii deegaanka ee magaalada Garoowe, ee shaqeynaayey afartii sano ee u danbeysey.

Kadib wareegto labaad oo Madaxweynaha Puntland ka soo baxdey isla saacad gudaheed ayaa lagu magacaabey maamulo kumeel gaar ah degmooyinka Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso.

Waxaa xusid mudan in goloyaashii deegaanada ee degmooyinka Boosaaso iyo Gaalkacyo horey loo kala direy , isla markaana ay xilka hayeen maamul ku meelgaar ah.

Ninka loo magacaabey degmada Garoowe ayaa ahaa shaqaalaha madaxtooyada, waxaana uu joogey qaybta maamulka iyo lacagta, waxaana lagu magacaabaa Cabdulqaadir Maxamed oo loo yaqaan Geedi.

Magaalada Bosaso ayaa iyadu markasta nasiib u hesha qof xukuumadda kamid ah in si ku meel gaar ah loo soo magacaabo, marka la eego saddexdii guddoomiye ku meel gaar ee loo soo magacaabey, waxaana hadda la soo magacaabey wasiir ku-xigeenkii qorsheynta Xasan Cabdalla, oo horey u ahaan jirey duqa magaalada Bosaso xiligii Cabdiweli Cali Gaas.

Wareegtada madaxweynaha ayaa lagu yiri:

  1. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Boosaaso si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;
    B. Xasan Cabdalle Xasan Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso
    T. Siciid Cabdiraxmaan Maxamed Guddoomiye Ku-xigeenka Degmadda Boosaaso.
  2. Waxaa Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigaanka Degmadda Garoowe si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya;
    B. Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud (Geedi) Guddoomiyaha Degmadda Garoowe.
    T. Maxamed Cali Maxamed (Xamari) Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Garoowe.
  3. Waxaa Guddoomiyaha Degmadda Gaalkacyo si ku-meel gaar ah loogu magacaabaya Xassan Maxamed Jaamac
  4. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.