DENI oo qaaday dhabbihii uu Farmaajo ku hungoobay

Garoowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa gashay xaalad siyaasadeed oo hubanti la’aan ah, habeen dhaweyd dagaal ka dhacay duleedka magaalada Garoowe ayaa sababay tiro dhimasho iyo dhaawac ah.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidanka PMPF la yiraahdo oo gelbinaayay sanaaduqda codbixinta golaha deegaanka iyo xubno taabacsan siyaasiyiinta diidan qorshaha Deni ee doorashada, kuwaasi oo aaminsan inuu Saciid Deni u gogol xaaranayo muddo kororsi laba sano ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland Cabdi Faarax Saciid Juxa ayaa sheegay in weerarkaasi uu abaabulay Khadar Cabdiraxmaan Faroole, Ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan arrimaha ganacsiga caalamiga ah. Halka uu Khadar Faroole arrintaas iska fogeeyay kuna tilmaamay eedeyn mala-awaal ah.

Siyaasiyiin dhawaan ku shiray magaalada Garoowe, oo u badan kuwa doonaya inay doorasho u dhacdo sidii hore iyo waqtigeedii ayaa Deni ugu baaqay inuu miiska wada-hadalka kusoo laabto, uuna joojiyo damaciisa muddo kororsiga, laakiin uma uusan jawaabin.

Waxay xaaladdu weji kale yeelatay markii uu Xeer Ilaaliyaha Puntland oo la fahamsan yahay inuu dhanka Saciid Deni raacsan yahay, dhinaca kalena isku xisaab yihiin uu soo saaray waaran lagu soo qabanayo xubno kamid ah mucaaradka Saciid Deni.

Xubnaha lasoo qabanayo oo dhamaan kasoo jeeda magaalada caasimadda ah ee Garoowe, ayaa kala ah Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Khadar Cabdiraxmaan Faroole, Maxamed Shiddo oo wasiir hore iyo siyaasi awood badan ah iyo nin la yiraahdo Maxamed Laysar oo wasiirka Maaliyadda xoghayn u ahaan jiray.

Arrintan ayaa durba kicisay dareen ka duwan midkii hore, waxayna muujineysa in Saciid Deni uu aaday dariiqa is-maquuninta.

Xubnaha dorraad loo jaray soo qabashada ayaa ku sugan Garoowe, waxayna illo wareedka inoo sheegeen in aad u hubeysan yihiin, in soo qabashadooda loo bareerana waxay leedahay culeyskeeda.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo ka jawaabay waaranka loo jaray ayaa ku tilmaamay mid aan sharciyad aheyn oo aan macno ku fadhin, haddana waxa uu sheegay inuu ku sugan yahay magaalada Garoowe, uuna si nabad ah ugu shaahayo mid kamid ah maqaayadaha magaalada ku yaalla, sida uu usheegay BBC-da qeybta Soomaaliga.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa u dhaqaaqay dariiqii is-maquuninta ee Farmaajo isticmaalay dhamaadkii muddo xileedkiisa. Farmaajo ugama badin markii uu isku dayay inuu awood ciidan u adeegsado siyaasiyiintii caasimadda. Lamana yaqaano inay hadda Deni ugu badin karto isla wadaddaas uu qaaday.

Mucaaradka Puntland waxay ku baaqeen inuu Saciid Deni kusoo laabto miiska wada-hadalka, oo laga heshiiyo doorashada soo aadan, kadibna uu sii wado doorashada golaha deegaanka, laakiin kooxda Deni dhag jalaq uma siin baaqaas.

Sidoo kale waxyaabaha doodda Saciid Deni hoos u dhigaya waxaa kamid ah in saddexda urur siyaasadeed ee doorashada ugu cadcad uu midkiisa ku jiro ay saddexduba kasoo wada jeedaan magaalada Qardho, taas oo aad u deeqi la’a Garoowe iyo Gaalkacyo.

Dadka waxgalka ah ee reer Puntland ayaa ku baaqaya in wada-hadal lagu xaliyo xiisadda siyaasadeed ee soo xoogeysatay maalmahan, halka dhaqanku ay u muuqdaan in weli eegayaan halka la isla gaaro.