SSC oo caalamka u jeedisay dalab culus oo ka dhan ah madaxweyne Muuse Biixi

Laascaanood (Caasimada Online) – SSC-Khaatumo ayaa si adag uga jawaabay hadal xasaasi ah oo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu shalay ka jeediyay munaasabaddii xuska 18-ka May ee fagaaraha magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Biixi ayaa waxa uu sheegay in uusan dagaalka istaageyn illaa inta taako kamid ah Somaliland uu cadow ku sugan yahay, “Waa difaaceynaa oo dagaalku joogsan maayo, inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed uu ku jiro abka uu doono ha sheegtee.”

Afhayeenka Guddiga 33-ka ee SSC, Cabdirisaaq Falaalug oo hadalkaas daba socda ayaa waxa uu madaxweynaha Somaliland ku sifeeyay shaqsi duulaan ku ah Soomaali oo dhan ah, marka laga imaado deegaanada SSC.

Afhayeen Falaalug ayaa waxa ujeediyay beesha caalamka inay maxkamad soo taagto, si cadaaladda loogu qaado, kadib markii uu ku eedeeyay in madaxweyne Muuse Biixi uu yahay ciil-qabe duulaan ku ah Soomaali oo dhan.

“Waxaanu leenahay awalna aanu ogayn in uu yahay nin ciil qaba, maantana wixuu caddaystay ciil qab kiisii, waxa uu caddaystay ciilka uu u qabo Harti, ciilka uu u qabo Darood iyo ku uu u qabo Soomaali oo dhan” ayuu yiri Cabdirisaaq Falaalug.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaanu beesha caalamka ka codsanayna in ninka la geeyo maxkamadaha cadaalada.”

Afhayeenka ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Soomaalida kale aysan ka bixin jawaab hadalka kasoo yeeray Biixi, oo uu sheegay in aargoosi u socdo, “waxaa la yaaban yahay umadda kale ee Soomaaliyeed oo aan hadalka Biixi wax jawaab ah ka bixinayn.”

Falaalug ayaa sidoo kale wuxuu ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya inay ka hadasho hadalkii madaxweyne Biixi oo ahaa mid banaanka usoo saaray naceybka iyo ciilka u qabo Soomaali oo dhan, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay inay SSC-Khaatumo ay is-difaacayaan, islamarkaana ay la dagaalamayaan ciidamada Somaliland, “waan isdifaacyena, Biixi waa caddeeyay in aanu gobolka ka tageyn illaa askariga ugu dambeeyay kaga dhinto.”