Maxkamadda sare ee Mareykanka oo go’aan ka gaartay dacwad ka dhan ah Twitter-ka

Washington (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Khamiistii diiday sii socoshada, dacwad ka dhan ahayd shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha bulshada gaar ahaan shirkadda Twitter-ka, taas oo ay dacwad ku soo oogeen, qaar ka mida dhibbanayaal ay eheladoodu ku dhimatay weeraro argagixiso.

Dhibbanayaasha dabada ka riixaya kiiskan ayaa dacwadooda saldhig uga dhigay sharciga la dagaalanka argagixisada ee Maraykanka.

Waxay ku eedeeyeen in shirkadaha iska leh baraha bulshadu, oo ay ugu horrayso shirkadda Twitter inay ku guul daraysteen inay ka xakameeyaan kooxaaha dembiyada abaabulan fuliya, inay adeegsadaan barahooda bulshada.

Garsoorayaasha maxkamadda sare ee Maraykanka ayaa go’aan midaysan ku laalay go’aankii maxkamadda hoose ee Maraykanku ay dib ugu soo noolaysay dacwaddan ka dhanka ah shirkadda Twitter. Tallaabadan ayaa guul u ah shirkadda Twitterka.

Dacwaddan waxaa dabada ka riixaya ehelada Maraykanka ah ee Nawras Alassaf oo u dhashay dalka Jordan, kaas oo sannadkii 2017 lagu dilay magaalada Istanbul, intii ay socotay xaflad loogu dabbaaldegayey sannadka cusubi.

Weerarkaas ayaa ka dhacay xarun lagu caweeyo, waxaana sheegtay kooxda ISIS.

Dacwaddan ayaa ahayd mid looga danlaha in lagula xisaabtamo shirkadaha waaweyn ee iska leh baraha bulshada waxyaabaha ay soo dhigaaan dadka isticmaala adeegyadooda, arrintaas oo walaac isa soo taraya ku haysa bulshada iyo sharci-dejiyayaasha Maraykankaba.