DENI oo shuruud la xariirta Axmed Madoobe ku xiray ka qeybgalka shirka madasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi (Deni) ayaa qaadacay shirweynaha caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya, kaas oo maanta ka furmaya magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Deni ayaa shuruud adag ku xiray ka qeyb galka shirkan, isagoona dalbaday in lagu casuumo Madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland, Axmed Madoobe.

Shirkaasi ayaanan lagu casuumin, Axmed Madoobe, balse Caasimada Online ayaa ogaatay in dowladdu ay shirka ku marti qaaday wasiirka Maaliyadda Jubbaland.

Sidoo kale waxaa shirkan ka qeyb galaya Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo HirShabelle, kuwaas oo xiriir wanaagsan la leh dowladda dhexe, halka Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf oo dhowaan ku dhawaaqay inuu ka baxay heshiiska uu la galay dowladda ay u badan tahay inuusan ka qeyb galin shirkaasi.

Shirka iskaashiga Soomaaliya oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galaya in ka badan 50 dowladood oo ka mid ah wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya.

Arrimaha looga hadlayo shirkan oo markii hore lagu qaban jiray dalalka Yurub ayaa waxaa ka mid ah Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com