Shirka madasha oo furmay iyadoo ay ka maqan yihiin Jubbaland iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirweynaha caalamiga ah ee iskaashiga Soomaaliya ayaa goor dhow si rasmi ah uga furmay gudaha magaalada Muqdisho.

Shirka oo ah mid ballaaran ayaa waxaa daah-furay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Sidoo kale waxaa shirka ka qeyb galaya in ka badan wakiilo ka socda 50 dowladood, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qaar ka mid ah madaxda maamullada dalka.

Wararka ayaa sheegaya in shirka oo haatan furmay aysan ka qeyb galeynin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland.

Siciid Deni ayaa qaadacday shirkan, halka Axmed Madoobe aysan dowladdu ka casuumin shirkaasi, maadaama uu kala dhexeeyo khilaaf ka dhashay doorashadii lagu doortay.

Shirka iskaashiga Soomaaliya oo ah mid heer caalami ayaa soconaya maanta iyo beri, iyadoona diirada lagu saarayo Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda iyo Cadaaladda.

Waa markii ugu horreysay oo shirkan lagu qabanayo gudaha magaalada Muqdisho, iyadoona horay loogu qaban jiray dalalka qaaradda Yurub.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com