Deni “Somaliland haddii ay ingiriis noqdeen annagu Talyaani ma nihin”

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya Somaliland iyo sida ay u arkaan khilaafkaasi.

Deni oo la hadlay BBC ayaa sheegay in aanay u arag khilaaf inuu kala dhaxeeyo Somaliland, balse ay taasi u arkaan iney tahay duulaan lagu soo qaaday dhulkooda.

“Annaga iyo maamulka Somaliland muran dhuleed nagama dhaxeeyo, laakiin waxay kusoo xadgudubtay dhulka Puntland, waad ogtihiin 1991 dalku markuu dhacay, dalka waxaa ka jiray 18 gobol oo la yaqaanay, wixii intaa ka dambeeyey dadku waxay isugu guureen nidaamka federaalka ah, intii rabtay baa wada heshiisay, Somaliland waxaa lagu aas-aasay markii ugu dambeysay Boorame marka Burco laga tago, qabaa’ilkii ku bahoobay waa la yaqaanaa, Garoowe markii la’aas aasayna qabaa’ilka ku bahoobayna waa la yaqaanaa, qabaa’ilka u bahoobay Puntland dhisiddeeda waa gobollada Bari, Nugaal, Waqooyoga Gaalkacyo, Sool, Sanaag Bari iyo Buuhoodle”

Madaxweyne Deni oo hadalkiisa sii wata ayaa dhanka kale sheegay in Somaliland ay Ingiriis is moodday, balse Puntland aanay noqoneyn Talyaani.

“Haddii ay iyagu ingiriis noqdeen annagu Talyaani ma nihin, dhul 60-kii kahor Talyaani iyo ingiriis baa gumeysan jiray halkan ma yaallo, dal Soomaaliyeed oo calan qaatay, umadda Soomaaliyeed oo xor ah taas baa adduunka aqoonsan yahay…marka cidda qaldan iyana wey is yaqaanaan annagane waan ognahay” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee Puntland.

Waxaa jira muran dhanka dhulka ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland iyadoo ciidamo Labada dhinac ah weli isku horfadhiyaan aagga deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com