DF iyo shirkadaha diyaaradaha dalka oo ka shiray qorshe lagu wajahayo go’aankii Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada xukuumadda xil-gaarsiinta Duraan Axmed Faarax ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddiga shirkadaha diyaaradaha ka howlgala dalka, maalin ka dib markii ay Kenya xayirtay duulimaadyada Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay hannaan lagu wajahayo in aysan saameyn ku yeelan diyaaradaha xayiraadda ay ku soo rogtay dowladda Kenya isu-socodka labada dal, sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.

“Waxaan ballan-qaadayaa in Dawladda ay kala shaqeynayso ganacsatada diyaaradaha wax kasta oo u sahlaya inuusan go’aankan saameyn ku yeelan,” ayuu yiri Wasiir Duraan Faarax.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa sidoo kale guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’antahay in la hormariyo iskaashiga duulimaadyada waddamada gobolkan Geeska Afrika.

Dowladda Kenya ayaa maalin ka hor soo saartay go’aan ay illaa bisha Agosto ku joojineyso isu-socodka duulimaadyada labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, waxuuna go’aankaas ku soo aaday iyadoo dowladda Soomaaliya ay maalmo ka hor shaacisay in dib loo soo celiyey xiriirkii diblomnaasiyadeed ee labada wadan oo go’naa muddo lix bilood ah.

Waxaa la aaminsan yahay in Kenya go’aankaas ay uga aar gudaneyso dowladda Soomaaliya oo diiday inay dib u fasaxdo Qaadkii laga soo dhoofi jiray dalka Kenya oo gabi ahaanba laga mamnuucay Soomaaliya, waxaana xusid mudan in laba maalin ka hor ay ganacsatada Kenya ku hungoobeen inay Qaad u soo dhoofiyaan Soomaaliya, isla markaana uu soo gaaray khasaare xoog leh.