DF iyo xildhibaannada reer Awdal oo wacad ku galay Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Axmed Macallin Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay Xildhibaanno iyo Senatorro ka tirsan barlamaanka federaalka Soomaaliya oo wehliyaan siyaasiyiin iyo hoggaaomiyeyaal reer Awdal.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay sidii hal meel looga soo wada jeesan lahaa ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso qeyb ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa diirada lagu saaray kulankaan, sidii loo adkeyn lahaa midnimada dadka reer Awdal iyo weliba in lagu waajaho difaaca gobonimada iyo midnimada dalka si middaysan oo aan tafaraaruq lahayn.

Ugu horreyn, siyaasiyiinta, xildhibaannada iyo senatorrda reer Awdal ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay u diidan yihiin heshiis kusheegga lagu xalaalaynayo damacii soo jireenka ahaa ee Itoobiya.

Waxa ay xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay difaaca dhulkaasi udub dhexaadka u ah una taagnaa weligiis midnimada dalka, ayada oo ku wacad ku maray difaaca iyo ka hortagga damaca gurracan ee Itoobiya.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Fiqi oo kulanka ka hadlay waxaa uu uga mahad-celiyay shacabka reer Awdal dal iyo dibadba wadaniyadda iyo dhul jacaylka ay muujiyeen iyo sida ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Abiy Axmed.

Waxa uu ka dhawaajiyay in dowladda federaalka ah ay tahay mid mar weliba u dhego nugul dareenka iyo rabitaanka dadka Soomaaliyeed, waxaa uuna hordhigay dadaallada dowladda ee maareynta damaca Itoobiya ee ka socota gudaha dalka iyo kuwa heer diblomaasiyadeed.

Ugu dambeyntiina wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda Soomaaliya marnaba aysan gorgortan ka galeyn wadajirka dhulkeeda iyo Midnimada dadkeeda.