Somaliland oo si weyn u naqdisay qoraallo ay DF u dirtay QM iyo Midowga Afrika

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa si adag u naqdisay jawaabihii ay dowladda federalka Soomaaliya ka bixineysay dhawaanahan heshiiskii is-afgaradka ee Ethiopia iyo Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, oo si gaar ah loogu naqdiyay qoraalladii u dambeeyay ee dowladda federaalka u dirtay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, ayaa lagu sheegay in heshiiskaasi aysan meelna uga furneyn Soomaaliya.

“Heshiiska waxa uu ahaa go’aan madax-banaan, oo ay labo dowladood madax-banaan qaateen oo aan ansixin iyo ogolaanshiyo cid saddexaad uga baahneyn. Is-afgaradka Ethiopia iyo Somaliland waa mid ku qotoma is ixtiraam labada dhinac ka dhaxeeya iyo himilooyin ay u wada hiigsanayaan deganaanshaha gobolka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland.

Qoraalka Somaliland ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in jawaabta ay Muqdisho ka bixisay heshiiskaas, uu yahay mid si cad u jabinaya shuruucda caalamiga ah, islamarkaana lagu dafirayo rabitaanka gooni isu-taag ee shacabka Somaliland.

“Soomaaliya waa inay ixtiraamto rabitaanka malaayiin qof oo reer Somaliland ah,” ayaa lagu yiri bayaanka Somaliland, oo lagu sheegay in Somaliland ay tahay dal ka madax-banaan Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lagu yiri “Somaliland waxay xaqiijineysa inay ka go’an tahay inay si nabdoon ku raadiso aqoonsi caalami ah, ayna garowsan tahay in iskaashi iyo wada-hadal ay muhiim u yihiin gaarista nabad iyo xasillooni waarta oo lagu soo dabaalo Geeska Afrika.”

Si kastaba, Dowladda Soomaaliya oo ayadu meel adag iska taagtay heshiiska is-afgarad ee Ethiopia iyo Somaliland ayaa dhawaan ku boorisay ururrada Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay inay mowqif mabda’ ku salaysan ka qaataan is-afgaradkaasi oo ay bishii hore kala saxiideen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday ururradan inay cambaareeyaan is-afgaradkaasi “sharci-darrada ah” iyo “ku-xad-gudubka Ethiopia ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed Soomaaliya,” taasi oo Somaliland ay si weyn u naqdisay.