Cali Dheere oo shaaciyey xogta iyo magaca ninkii fuliyey toogashadii xero Goordan

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere oo ka hadlay toogashadii uu xerada Jeneraal Goordan ee Muqdisho ka geystay askari ka tirsanaa ciidankii dhawaan ay Imaaraadku tababareen ayaa soo bandhigay xogta ninkii fuliyey weerarka.

Cali Dheere ayaa sheegay in ninka fuliyey toogashada uu ahaa Mustafa Mukhtaar Aadan oo 27 sano jir ahaa, kana soo jeeday degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Wuxuu sheegay inuu Shabaab u shaqeynayey, isla markaana uu beegsaday goob gaar ah oo saraakiisha Imaaraadka iyo la howlgalayaashooda ay uga sugnaayeen xerada Jeneraal Goordan.

Cali Dheere ayaa sheegay in Mustafa uu toogtay in ka badan 50 qof, kuwaas oo 17 ka mid ah uu ku sheegay inay saraakiil ahaayeen, halka inta kale ay askar Soomaaliyeed ahaayeen, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Afhayeenka Al-Shabaab, wuxuu sidoo kale sheegay bartilmaameedka ugu weyn uu ahaa afar sarkaal oo Imaaraadka ka joogtay xerada, kuwaas oo dhamaantood toogashada ku dhintay, isagoo sheegay inay kala ahaayeen ninkii ugu sareeyey howlgalka Imaaraadka ee koonfurta Soomaaliya, madaxii sirdoonka, madaxii saadka iyo madaxii gaadiidka.

Qeybihii dambe ee hadalkiisa Cali Dheere wuxuu ku dheeraaday suurad xumeynta howlgalka Imaaraadku uu ka wado Soomaaliya iyo guud ahaan dunida muslimka, sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay ku taageerayaan inay qabsato badda Soomaaliya.

Ilaa hadda dowladda Soomaaliya ma shaacin natiijo saxan oo ku saleysan xogta toogashadii uu geystay askari ka mid ahaa ciidankii lagu tababaray xerada Jeneraal Goordan, waxayna arrintaas kala shaki weyn ka dhex abuurtay Muqdisho iyo Dubai.

Ninka fuliyey toogashada laguma helin haba yaraateed fursad lagu wareysto, maadaama uu ku dhintay jawaabta rasaastii uu bilaabay, mana cadda in gacan-saar uu la lahaa argagixisada iyo inuu fulinayey dano kale.

Haseyeeshee wararka qaar ee ku saabsan sooyaalkiisii waxay sheegayaan inuu ka mid ahaa ciidan uu Shabaab kala soo goostay wasiirka diinta Soomaaliya Mukhtaar Roobow, iyadoo dhawaan laga soo qoray magaalada Xudur oo muddo uu ku noolaa.