Xasan, Deni iyo mucaaradka oo sii kala fogaanaya kadib tallaabadii shalay la qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa shalay bilaabay ka doodista, wax ka beddelka iyo dhameystirka dastuurka, kaasi oo shaqadiisa soo socotay 12-kii sano e ee lasoo dhaafay.

Soomaaliya ayaa lagu dhaqayay dastuur kumeel-gaar ah tan iyo 2012. Dastuurkaasi KMG ah waxaa ansixiyay 825 xubnood oo ergo aheyd, waxayna ansixintiisa ka dhacday magaalada Muqdisho.

Intii lagu dhaqmayay dastuurka kumeel-gaark ah waxaa dalka laba jeer madaxweyne ka noqday Xasan Sheekh, hal marna Farmaajo, waxaa kale oo dalka uu yeeshay lix ra’iisul wasaare. Sidoo kale waxaa dhismay intii mudadaasi lagu jiray maamullada Galmudug, Jubbaland, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Tan iyo waqtigaasi waxaa jirtay ballan aheyn in la dhameystiro dastuurka, oo shaqadiisa leeyihiin xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya. Baarlamanaadii 9-aad iyo 10-aad waa awoodi waayeen inay doodaasi furaan oo dastuurka dhameystiraan. Waxaase doodaasi shalay furay baarlamaanka 11-aad oo raba inuu ansixiyo dastuurka ay howshiisa soo socotay 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa shalay golaha la horgeeyay hindisaha afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka, oo ay ku jiraan qodobbada ugu muhiimsan dowladnimada Soomaaliya. 63 sano ayaa laga jooga markii ugu dambeysay oo baarlamaan Soomaaliyeed dood iyo ansixin u fariisto dastuur uu yeelanayo dalka.

Bishii Juun 1961-dii ayaa baarlamaankii Soomaaliya ansixiyay dastuur ku qornaa Af Talyaani, hadda oo 63 sano laga joogana waxaa la eegaya haddii baarlamaanka 11-aad ansixin doono dastuurka horyaalla oo Af Soomaali ku qoran ayna fududahay inay cid walba fahamto.

Inkasta oo marwalba dastuurka u baahan doono afti dadweyne, haddana xildhibaannada labada Aqal waxya xaq u leeyihiin inay dastuurka ka saaran kumeel-gaarnimada.

Mucaaradka dowladda iyo maamulka Puntland ayaa labaduba muujiyay diidmo ku aadan habka ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh u rabto inay u marto dhameystirka dastuurka, laakiin dadka qaar waxay ku doodayaan in marwalba wax laga beddeli karo dastuurka, balse ay muhiim tahay in dowladda lagu taageero dhameystirka.

Dhamaan musharaxiintii u taagna xilka madaxweynaha Soomaaliya, oo uu ku jiro hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxay doorashadii ugu dambeysay ballan-qaadkooda ku dareen inay deg deg u dhameystirayaan dastuurka haddii la doorto.

Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu hadda leeyahay waxaan ku socda fulinta wixii aan ballan-qaaday xilligii ololaha doorashada. Afarta cutub ee ugu horreysay dastuurka ee shalay la geeyay baarlamaanka ayaa la filayaa in la ansixiyo ka hor tobanka bisha soo aadan ee Maarso.

Waxaa ku jira qodobbo xasaasi ah oo taabanaya haykalka dowladnimada sida; inuu dalka yeesho madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, oo laga guuro nidaamka ra’iisul wasaaraha. Waxaa kale oo ku jira hanaanka doorashooyinka dalka iyo awooddaha.

Fadhigii golaha baarlamaanka Soomaaliya ee shalay waxaa dadka xaadiray kamid ahaa guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kamid ah dadka Soomaaliyeed ee loo arko inay tiir-dhexaadka u yihiin diyaarinta dastuurka dalka.

Dal aan dastuur laheyn wax badan ayaa qabyo ka ah oo sharciyadiisa ah, waxaana dadka dowladnimada u dhuun-daloola qaarkood ku talinayaan in dastuurka la ansixiyo oo uu dalka noqdo mid dastuur leh oo la jaanqaadi kara caalamka.