Qorshaha lagu beddelayo magacyada xilalka maamul goboleedyada iyo aragtidooda

Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya ayaa guda galay wax ka beddelaka dhowr cutub oo dastuurka ka mid ah kuwaasoo isbeddel lagu sameynayo. Qodobada la soo jeediyay in wax laga badalayo dastuurka Soomaaliya waxaa ka mid ah qodobka 51-aad.

Halkii ay ka aheyd in ay leeyihiin dowlad goboleedyada Somaaliya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayaa soo jeedinta hadda waxaa ku jira in loo badalo hoggaamiye iyo hoggaamiye ku xigeen.

Marka laga hadlayo xilalka madaxda ugu sarreysa dowlad goboleedyada iyo kan dowladda federaalka, hadii aadan maqal magaca qofka ama sharaxaad kale, kalama garaneysid sababtoo ah hal magac ayey wadaagaan.

Tani waa soo jeedin, weli si rasmi ah waxba looma badalin. Baarlamaanka ayaa dood ka yeelanaya taas soconeysaa ilaa iyo 19-ka bishan Febraayo.

Waa sidee aragtida dowlad goboleedyada?

Mid ka mid wasiirada dowlad goboleedyada oo aan la hadalnay kana gaabsaday inuu ka hadlo ayaa si kooban u yiri “Waxaan aniga ayaaba ku wareernay, waana fiican tahay in la kala leexiyo.”

Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug, Faadumo Cabdi Cali Faandhe, oo aan weydiinay sida ay u aragto waxay tiri. “Shalay waa naloo sameeyay magacyadan, anaga ma dooran, waxna nalagama weydiin in naloogu yeero madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen balse maanta fursad ayaan haysanaa.”

Waxay kaloo Faadumo sheegtay in magac oo la badalo aysan wax weyn aheyn “Magaca laguu bixiyay markii aad dhalatay hadii aadan ku qanacsaneyn waad iska badali kartaa, waxaa aan ku qanacsaneyna waa sidaas oo kale.” Waxay sheegtay in ay is-weydiiso sida dareenka madaxda noqonaya marka ay isla joogaan oo loogu yeero hal magac oo ah madaxweyne.

“Marka madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo madaxweynaha dowladda federaalka oo isla jooga loogu yeero madaxweyne sidee bay dareemayaan kuligood.”

Faadumo waxay noo sheegtay in ay haboon tahay in aysan hal magac yeelan balse erayga hoggaamiye iyo hoggaamiye ku-xigeen in la qaato ama la diido waxay u taal ayey tiri shacabka aan matalno.

“Magaca waa heshiis bulsho iyo sida ay isku afgarato, ma jiraan wax sharci ah oo diidaya in la badalo,” ayuu yiri Abuukaate Zakariye Yuusuf oo intaa ku daray “Magacbixinta waa lagu degdegay, marka hore waxaa haboon in la soo bandhigo inta eray ee aan heli karno, laguna badali karo magaca madaxweyne si loo helo kan ugu haboon.”

Erayga hoggaamiye inta badan waxay ku tilmaameen siyaasiyiin aan la hadalnay in uu yahay eray guud oo ay qaadan kara cid kasta oo wax hoggaamisa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hore uga kala qeybsanaa wax-kabeddelka dstuurka. Waxaa jiray wewel laga qabay saameynta uu yeelanay wax-kabeddelka lagu sameynayo guud ahaan dasuurka Soomaaliya. Siyaasiyiinta qaar ayaa ka baqaya in lagu ansixiyo qaab qarda-jeex ah oo gacan-maroojis ah

Dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya wuxuu soo maray heerar kala duwan. Wuxuu ka soo billowday shirkii dib-u-heshiisiinta ee Carta, Djibouti ka dhacay sanadkii 2000.

Ugu dambeyntii, ergeygii Qaramada Midoobay, Augustine Mahiga iyo lix siyaasi oo ay hormuud u yihiin hoggaamiyeyaashii dowladda Ku-Meelgaarka ahaa, madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali-gaas oo dhinac ah iyo madaxweynihii Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole, ayaa hirgeliyey qabyo-qoraalka hadda jira.

Arrimaha kale ee dooddu ka taagan tahay, baarlamaankana laga sugayo inuu go’aan ka gaaro waxaa ka mid ah jagada ra’iisul wasaaraha oo lagu wado in ay meesha ka baxdo iyo jagada madaxweyne ku xigeenka dalka oo aan hore u jirin, laakinse la filayo in isbedelka dastuurka ay la timaado.

Arrinta la xiriirta maqaamka caasimadda dalka ayaan ku jirin arrimaha uu baarlamaanku ka doodayo.

Isha: BBC