DF: Ma jirto xuduud ay Kenya kusoo durugtay & darbi ay dhiseyso (Qodobada Waftigii la diray)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddigii isku dhaf ahaa ee ka kala socday Xukuumadda & Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxay maanta soo saareen qodobo dhawr ah, ka dib markii ay qiimeen ku soo sameeyeen dhulkii la sheegay in Kenya ku soo xadgudubtay.

Guddigan oo uu horkacaayay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliya, General C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, markii ay Talaadadii gaareen duleedka Degmada Beled Xaawo Ee Gobolka Gedo, gaar ahaan dhinaca xuduuda labada dal ku beegan.

Ka dib qiimeentooda xuduuda, ayaa waxay soo saareen qodobadan:-

1. In derbi la dhisay noo muuqan
2. In aanu noo muuqan calaamad xuduudeed la beddelay

3. In la qoday god aan ku qiyaasnay 1.6 m oo dhinaca Kenya ku yaal oo u jira 6m calaamadda xuduudda noo ah godkaas oo dherer kiisu yahay ilaa 700m
4. Waxaan Buulo Xaawo dusheeda ku aragnay waddo la xaaray oo baldoozes la mariyay.

War Saxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya, ayaa wuxuu ku sheegay in ay soo ogaadeen waxa dhabta ah ee ka jira xuduuda, wixii ay ku soo arkeyna ay dib ula wadaagi doonaan Dowladda.

“Waxaa si dhab ah kormeer buuxa ugu soo samaynay meelihii la inoogu sheegay in is bedel lagu sameeyay ee xadka labada dal, waxaan soo ogaanay xaqiiqada meesha taala inagoo runtii qaadanay, feker fiican iyo aragti uruurin aan dib ugula noqonayno Dowladda Dhexe iyo cida ay khuseyso.” Ayuu yiri Wasiirka.

Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo la socday Guddigaasi, ayaa cadeeyay inaysan soo arag derbi ay Kenya ka dhiseyso xuduuda, balse waxaa jira buu yiri dareen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com