Sawirro: Madaxweyne Shariif Xasan oo busta ka jafay ciidamo dayacnaa oo haween ku jiraan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mamaulka Koofur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo Taliyaha Ciidamada Booliska AMISOM Mr. Anand Pillay ayaa si wada jir ah tababar ciidan ugu soo xiray cutub kamid ah cutubyadii maamulka Koofur galbeed loo tababaraayay.

Ciidamada loo soo xiray tababarka ayaa waxa ay kor u dhaafayan ilaa 250 kuwaasi oo loo dhameystiray shuruucda Ciidanka iyo la dhaqanka shacabka ku hoos nool maamulkaasi.

Xaflada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka haweenka DFS Marwo Zahra Mohamed Ali Samatar, Saraakiil ciidan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan DFS.

Ciidamadaani ayaa ka howlgali doona magaalada Baydhabo si ay gacanta ugu dhigaan amaanka magaaladaasi.

Ciidamadaani ayaa hordhac u ah Ciidamo kale oo lagu tababaraayo duleedka magaalada Baydhabo, kuwaasi oo u badan Boolis iyo Militery.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10