Xeer ilaaliyaha qaranka oo diray fariin hanjabaad

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Somalia Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in Xeer ilaalinta ay sheeda sare kala socto shaqsiyaad gaar ah oo ku shaqeysta sameysiga dukumiintiyo been abuur ah, kaasi oo guryaha lagu kala iibsado.

Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in xeer ilaalinta ay gacanta ku heyso kiisas badan oo la xiriira sameysiga cadeymo aanan rasmi aheyn oo ku saabsan dhulka shacabka ay leeyihiin.

Dr Axmed Daahir waxa uu ku goodiyay in talaabo adag ay ka qaadi doonaan cidii lagu helo falkaasi waxa uuna cadeeyay in danbiga noocaasi ah uusan lahaan doonin cafis.

Axmed Cali Daahir ayaa sidoo kale digniin wuxuu u diray dadka leh Xarumaha Madbacadaha ah ee wax lagu daabaco, kuwaasi oo uu uga digay in xarumahooda Madbacadaha ah lagu daabaco waxyaabo uusan sharciga ogoleyn.

Talisyada laamaha amaanka ayuu ugu baaqay in arrimaha noocaasi ah ay isha ku hayaan waxa uuna tilmaamay in goortii ay qabtaan durbadiiba looga baahan yahay inay kusoo hubsadaan gacanta Xeer ilaalinta.

Dhanka kale, Goodinta Taliyaha ayaa imaaneysa xili inta badan magaalada Muqdisho ay ka taagan tahay xadgudubyo Hantiyadeed kuwaasi oo lagu dhaco qaab sharci sameysi been abuur ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com