Ahlu-Suna oo diidan qorshaha DF & maamulada

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa ka hadlay arimo dhowr ah oo haatan ka taagan dalka Soomaaliya, sida shirarka ka dhacayo maamul goboleedyada dalka Soomaaliya, arimaha safarkii Ethiopia ku tagay Sh.maxamed Shaakir iyo xad gudubka Kenya.

Cali Baashi Faarax, madaxweyne ku xigeenka Ahlu sunna ee gobolada dhexe ayaa sheegay ineysan aqbaleynin waxyaabaha kasoo baxa shirarka wadatashiga qaran ee ka dhacay Garowe,Cadaado, Baydhabo, Muqdisho iyo Kismaayo.

Shirarka ka dhacay magaalooyinka gobolada dalka ayuu sheegay iney la mid yihiin Siminaro loo qabtay dad u baahan oo aysan ka tarjumeynin rabitaanka dadweynaha iyo danaha dalka Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay Cali Baashi Faarax.

Dhinaca kale wuxuu been abuur ku tilmaamay wadahadalo la sheegay in magaalada Addis Ababa kaga farmayaan maamulka Galmudug iyo maamulka Ahlu sunna, kadib markii magaalada Addis Ababa lagu arkay madaxweynaha Ahlus unna iyo Galmudug.

Safarkii uu Sheikh Maxamed Shaakir ku tagay magaalada Addis Ababa ayuu sheegay inuu ahaa mid wada shaqeyn ah oo dhexmaraysa Ahlu sunna iyo dowlada Ethiopia.

Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay xad gudubka dowlada Kenya ka waddo dhanka degmada Beledxaawo, isagoo sheegay in arimahaasi ay u yaalaan baarlamaanka Soomaaliya, loona baahan yahay iney ka taxadaraan aayaha dalka Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com