XOG: NICHOLAS KAY oo xil ka qaadis wajahaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo laga helaayo xafiiska QM ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia Nicholas Kay uu dhawaan wajahi doono xil ka qaadis.

Nicholas Kay ayaa waxaa lagu wadaa in loo bedeli doono xafiisyo kale, waxaana jiro warar sheegaya in DFS ay isku dhaceen islamarkaana ay dalbatay in laga wareejiyo Nicholas Kay.

Nicholas Kay ayaa waxa uu Siyaasada Somalia kusoo biiray 29 April, 2013, kadib markii wareegto kasoo baxday Xafiiska Xoghayaha QM Banki Moon lagu magacaabay.

Nicholas Kay ayaa waxa uu xilkaasi kala wareegay Augustine Mahiga Taariikhdu markii ay aheyd 3 June, 2013.

Mudada uu Kay xilka hayo waxa uu saaxiib u noqday dhaliil iyo fashilo kala duwan oo uu kala kulmay DFS, waxaana ilaa iyo hadda lagu xantaa inuu ka gaabiyo howlihii loosoo igmaday.

Nicholas Kay ayaa waxa uu hadda safar shaqo ku jooga Magaaladda Garowe ee xarunta maamulka Puntland iyadoo La filayo in Halkaasi uu kulamo kula qaato Madaxweynaha Maamulka Puntland CabdiWeli Maxamed Cali Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com