Sawirrro: Is-miidaamiyihii wejiga caruurta lahaa: Qisada mid ka mida raggii fuliyey weerarkii Paris

Paris (Caasimada Online) – Hay’adaha Dembi baarista ayaa shaaciyay muuqaalka mid ka mida is-miidaamiyeyaashii isku qarxiyay Goroonka Stadio France ee magaalada Paris weeraradii qorsheysnaa ee lagu qaaday Jimcihii hore ee dalka Faransiiska, waxaana la yaab lahayd in wiilka muuqaalkiisa hoos ka muuqdo ee caruurnimada wejigiisu ka muuqato uu ka mida ahaa dadkii weerarkaas qaaday ee is qarxiyay.

Wiilkan ayaa lagu magacaabaa Bilaal Xaadifi, sida ay shaaciyay jariirda Daily Mail ee magaalada London ka soo baxda, waxay wiilkan ugu yeertay “Is-miidaamiyihii wejiga caruureed lahaa”, waxaana sawiro laga helay boggiisa Facebook inaan la xirinay muujinayaan isagoo ku tababaranaya qori iyo isagoo xiran dharka dabaasha.

Sawirada ayaa la sheegay in la qaaday sanadkii 2011 iyo sawiro kale oo uu walaalihii ay kula jiraan sanadkii 2014. Bilaal ayaa da’diisu ahayd 20 sano jir, waxaana la sheegay inuu markii dambe ka fogaaday dhageysiga miyuusika isagoo sheegay inay xaaraan tahay isla markaana taageeray kooxda Boko Xaram ee Nayjeeriya ka dagaalanta.

Bilaal Xaadifi wuxuu asalkiisu kasoo jeeda dalka Marooko, isagoo ku noolaa dalka Belguim, wuxuuna u socdaalay dalka Suuriya, halka uu sanadkii 2014 ku biiray ururka Daacish, kadibna uu dib ugu laabtay dalka Faransiiska, halkaasoo u qeyb ka ahaa weerarkii dhiigga badan ku daatay ee magaalada Paris lagu qaaday Jimcihii 13 November oo lagu dilay 129 ruux halka lagu dhaawacay in ka badan 350 kale.

DAAWO SAWIRRADA IS-MIIDAAMIYAHA

DA1DA2DA3DA4DA5