XOG: Ethiopia oo gacanta ku dhigtay GUULEED

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynihii ugu danbeeyay maamul goboleedyada dalka ayaa u gacan galay dowladda Itoobiya kadib markii socdaal wax badan la sugayay uu ku tegay magaalada Adis ababa ee daka Itoobiya.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug C/kariim Xuseen Guuleed ayaa noqday ninkii ugu danbeeyay ee madaxda Soomalida oo iska xaadiriya Addis ababa iyadoo socdaalkiisa markii hore lagu sheegay waanwaan laga dhex wado maamulada Galmudug iyo Ahlu suna, waxayse arrintu u xuub siibatay wadahadal labada dhinac u dhaxeeya.

guled1Hore ayaa looga cabsi qabay in Itoobiya aysan raali ka ahayn oo ay go’doomiso maamulka Damjadiid madaxda ka tahay ee Galmudug, waxayse wararku sheegayaan in dadaal dheer loo galay sidii la isugu xiri lahaa maamulka C/kariin Guuleed iyo Itoobiyaanka, waxaana arrintaasi markii dambe hormuud ka boqday Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ah mid ka mida siyaasiyiinta Soomaalida oo Itoobiya u tacban oo haddana ka mida wafdiga Guuleed.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa kulankii ugu horeeyay ee fool ka fool ah Addis kulayeeshay Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Tedros Adhanom, waxaana labada dhinac la sheegay inay uga wadahadleen xiriirka Itoobiya iyo maamul Galmudug oo xuduud dhinaca dhulka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com