SAWIRRO: Maxaa sababay in Wafdigii DFS ee gaaray Xadka Somalia ay waxbadan qariyaan?

Muqdisho (Caasimada Online)-Wafdigaani ayaa dhowr saac ay ku qaadatay tagitaankooda xadka kala qeybiya Somalia iyo Kenya, kadib cabsi kala soo daristay dhanka Ciidamada Kenya.

Wafdiga ayaa laba siyaabod uga cabsaday booqashadooda in ay Ciidamada Kenya shirqool u dhigaan iyo in miinooyin loogu aaso wadooyinka ay isticmaalayaan.

Ka hor inta aysan isticmaalin wadooyinkaasi waxaa lagu daadiyay Ciidamo Soomaali aad u badan waxaana sidoo kale wadooyinkaasi la dhigay ciidamo dhar cad oo indha indheeya wadooyinka iyo xaalada markaasi taagan.

Goortii wafdiga ay gaaren xadka waxa ay waayen cid ay kala hadlaan arrimaha xadka amaba fasiraad kasiiya arrintaasi.

Wafdiga ayaa waxa ay halkaasi kusoo arkeen xadgudub iyo awood sheegashada Kenya, kadib markii ay u tageen astaantii calaamada u aheyd xadka oo la qariyay iyo darbiga Kenya oo dhowr KM gudaha usoo galay Somalia, balse wafdiga waxa uu go’aansaday inuu qariyo xadgudubyada qaar si loo kala badbaadiyo labada dal.

Guddoomiyaha guddiga difaaca BFS Xuseen Carab Ciise iyo Gudoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha dibadda BFS Prof. Maxamed Cumar Dhalxa ayaa sheegay in ay marqaati ka yihiin arrimo farabadan balse ay si gaar ah ugu sheegi doonaan Xukuumada Somalia.

Dalxa ayaa wax badan qariyay waxa uuna sheegay in natiijada Booqashadooda ay labo u kala qaadi doonaan xogaha qaar oo aan saxaafada laga sheegin iyo in wixii aan dhaawici karin Shacabka lasoo bandhigo.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in guddigaan ugu warbixin doona baarlamaanka iyo xukuumadda waxyaabihii ay ku soo arkeen degaanadii ay booqdeen.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

9

10