Jihaadiiste uu adeer u yahay ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo amar culus la duldhigay

Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal kasoo baxay Taliska Boliska Calamiga ee Interpol ayaa waxaa lagu amray in la xirikaro Farah Mohamed Shirdon oo ah muwaadin Soomaaliyeed balse heysta dhalashada dalka Kanada.

Farah Mohamed Shirdoon ayaa waxa uu xubin firfircoon ka yahay Maleeshiyaadka Daacish, waxa uuna ka qeyb qaatay weeraro dhowr ah oo ay maleegtay Kooxdaasi.

Qoraalka Taliska Booliska Interpol ayaa waxaa lagu sheegay in Talisku uu isha ku hayo dhaqdhaqaaqyada Sargaalkaasi oo uu adeerka u yahay Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.

Nuqul kamid ah qoraalka Interpol ayaa u qornaa ”Interpol waxa ay laamaheeda dalalka kale ka howlgala ogeysiineysaa in lasoo xiro Jihadiste Farah Mohamed Shirdon”

Jihadiste Farah Mohamed Shirdon oo horey uga shaqeyn jirey Tiyaatar lagu daawado Aflaamta oo lagu magacaabo Chinook Mall Movie Theatre oo ku yaalla magaalladda Caglary ee dalka Canada, halkaasi oo ah magaalladdii uu ku soo barbaaraay, ka hor inta uusan Kooxda Daacish ku biirin sannadkii hore ee 2014-kii.

Bishii August ee la soo dhaafay, waxaa soo baxay War lagu sheegay in Ninkaasi lagu dilay duqeyn ka dhacday dalka Syria, balse waxa uu hal bil kadib ka soo muuqday Baraha Isku-xirka Bulshadda, isagoo sheegay inuu weli nool yahay.

Dhinaca kale, Farah Mohamed Shirdon oo ku dhashay magaalladda Tornto ee dalka Canada, kuna soo wax bartay ayaa waxa uu Farriin Muuqaal ugu hanjabay dalalka Canada iyo Maraykanka, wuxuuna ku yiri: “Waan imaan doonaa, waana idin burburin doonaa”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com