Sawirro: Safaaradda Somalia ee USA oo 24 sano kadib lasoo baxday muuqaal indha daran-dar ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhismaha safaarada Somalia ee magaalada Washington ee dalka Mareykanka, ayaa waxaa ku qulqulaaya diblumaasiyiin heer caalami ah oo u badan Safiiro kuwaasi oo badankooda Hambalyo u gaaraya dhismaha Safaarada.

Waxaa sidoo kale Safaarada ku qulqulaaya madax ka tirsan dawlada Maraykanka, sanataro iyo xobno ka tirsan aqlka congress-ka Mareykanka, ururo Jaamacadda Carabta ay ka mid tahay kuwaasi oo dib u hagaajinaayo xiriirka Somalia kala dhexeeya.

Dowlada mareykanka ayaa dayactir xoogan ku sameysay dhismaha ay hadda degan tahay Safaarada, waxa ayna safaaradu muddo 24 sano aheyd mid aan ka dhexmuuqan Safaaradaha kale ee dalkaasi ku yaalla.

Talaabadaani ayaa la rajeynayaa in albaab cusub u furto xiriirka Somalia iyo Mareykanka, oo gaabis xoogan uu ku yimid, tan iyo markii ay burburtay Dowladdii Dhexe Somaliya.
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12,

13