HADLIYE oo ku dhiiraday ka hadalka xuduudda.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdisalaan Hadliye Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Somalia ayaa si kulul uga hadlay xadgudubyada ay Dowlada Kenya ku sal ballaarsaneyso.

Hadliye ayaa sheegay in DFS aysan raali ka noqon doonin in la maamusho xadkeeda, waxa uuna cadeeyay in talaabo kamid ah dhulka Somalia aysan u cafin doonin Kenya.

Waxa uu wasiirku xusay in DFS ay si gaar ah u xaqdhoorto, sidaa awgeedna ay dowladaha dariska la ah Somalia ka dalbaneyso inay xaqdhowraan si uu usii jiro xiriirka.

Waxa uu sheegay in Kenya kaliya ay kala dhexeyso iskaashi dhinacyo kala duwan ah sida amniga , dhaqalaha iyo beec mushtar xagga Maciishada ah balse wixii intaa kasoo hara aysan raali uga noqon doonin xadgudubka dhanka xadka.

”Anagu cidna kama aqbali doono inay iska maamulato xadkeena taasi waxaan ka xignaa iska dhicin“

Haddalka Hadliye ayaa imaanaya xili maalmo ka hor BFS ay go’aan cad kasoo saaren xadgudubka Dowlada Kenya ay ku heyso Somalia.

BFS ayaa soo saaray amar ah in Kenya ay Ciidamadeeda kala baxdo Somalia, bacdamaa ay xumeysay xiriirkii kala dhexeeyay.

Geesta kale, Shacabka iyo Dowladda Somalia ayaa aragti mid ah ka qaatay in laga hortago dhul ballaarsiga Kenya ee ay ugu soo durkeyso dhulka umadda Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com