XOG: Lacagtii uu daabacday GAAS oo dhaawac weyn gaarsiisay Puntland iyo arrin halis ah oo…

Boosaaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya ayaa sheegaya in baraha kontroolada Bosaso lagu qabanayo dhamaan lacagaha Shilin Somaliga ah ee soo  galaya magaaladaas iyadoo amarkaas ay bixisay wasaarada maaliyada Puntland.

Talaabadaan ayaa timid kadib markii degaamada Puntland uu kor u kacey dalabka lacagta dollar oo ku yaraatey suuqayada saraifka gaar ahaan gobolada kale ee Puntland.

Waxaa la ogaadey in xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas wel-wel weyn ku hayso in sarifka dollarka kor u kaco magaalada Bosaso kadib markii suuqayada kale ee Puntland laga dareemey sicir barar.

Sababta keentey welwelkaan ayaa warbixintaan sheegeysa madaama xukuumada madaxweyne Gaas ku bixso mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha lacagta Shilin Somaliga ah ee lagu daabaco Bosaso ay sababtey in lacagata Shilin Somaliga ee taala suuqayada ka baxsan xarunta ganacsiga Puntland ka badato tan dollarka ( Demand and Supply).

Sarifle ku sugan magaalo madaxda Puntland ayaa sheegey in dowlada markii hore lacagaha mushaharka shaqaalaha iyo ciidamada ku bixin jirtey dollarka lagu baxsho cashuurta dekada Bosaso balse hada u badashey in lagu bixiyo lacagta Shilin Somaliga ee ay dabaacdo taasoo keentey in gabi ahaanba laga waayo suuqayada ka baxsan xarunta ganacsiga Puntland lacagtii dollarka.

“Kadib markii la waayey lacagtii dollarka aheyd oo laga sarifan jirey suuqayada magaalooyinka kale ee Puntland ayaa ganacsatada badeecadaha raba iney kasoo iibsadaan wadanka dibadiisa waxay bilbaabeen in Shilin Somaliga u qadaan magaalada Bosaso si ay dollar ugu badashaan balse wararka hada nasoo gaaraya ayaa sheegaya in dowlada diidey in lacag geeyo magaalada Ganacsiga.” ayuu yiri sariflahaan.

Sarifka 100USD ayaa shalay 18 Nov,2018 waxaa uu ka marayey suuqayada Puntland 2, 400,000 Sh.So halka asbuucii lasoo dhaafey uu ahaa gacanta dambe  2, 300,000 Sh So ah taasoo wel wel ku abuurtey xukumada madaxweyne Gaas.

Lacagaha lagu daabaco magaalada Bosaso ayaa waxaa shirkad ku ah ganacsato reer Puntland ah iyo xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Caasimada Online oo baaris ku sameysey qaabka faa’idada u qaybsadaan xukuumada madaxweyne Gaas iyo maalgaliyaasha makiinada lacagta faalsada Shilin Somaliga daabacdo ayaa ogaatay sidatan:

  • Ganacsatada maalgalisay warshada lacagta ayaa xukuumada Puntland u ogaolaatey in 1000,000 USD ka sariftaan suuqayada Bosaso iyagoo ku iibsanaya lacagta Shilin Somaliga ee ay ku daabacaan Bosaso.
  • Xukuumada madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa lacagaha Shilin Somaliga ee lagu daabaco Bosaso ay ku bixinaysaa mushaharka ciidamada iyo shaqaalaha.
  • Xukuumada madaxweyne Gaas ayaa dhinaca kale waxaa u baaqanaya dollarka ay ku qaado cashuurta dekada magaalada Bosaso iyadoo ganacsatada 70% ku bixiso dollar halka 30% lagu bixiyo Shilin Somali.

Hadaba suuqayada sarifka lacagaha Puntland ayaa waxey la ciirciirayaan lacagta Shilin Somaliga ah ee xukuumada Puntland ku bixiso mushaharaadka shaqaalaha, lacagaha loo saraifo xaaladaha siyaasdeed iyo Shilin Somaliga ganacsatada maalgalisey makiinadaan suuqa soo galiyaan.

Su’aasha la is waydiinayo ayaa waxay tahay halka ay gasho lacagta 70% oo dollarka ah ee dowlada Puntland canshuurta kaga qaado ganacsatada dekada Bosaso taasoo sida warabixntaan sheegeyso u baaqatey xukuumada madaxweyne Gaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com