Yaa u kala dab qaaday Itoobiya iyo GALMUDUG?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar xog ogaal ah oo aan ka helnay maamulka Galmudug ayaa Caasimada Online u sheegay in Madaxweynaha Galmadug iyo Itoobiya uu ka shaqeeyay in aay isku soo dhawaadaan xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow, oo aad ugu dhaw taliska Addis Ababa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ujeedka ugu weyn ee socdaalka Cabdikarin Xuseen Guuleed uu ahaa in loo kala dab qaado maamulkiisa iyo Ahlu Sunna oo taageero weyn ka haysata Itoobiya.

Xildhibaan Mustafa Dhuxulow ayaa bilooyinka danbe isku bedelay dallaal siyaasadeed oo ukala dab qaada Itoobiya iyo saaxiibada Xasan Sheekh.

Mustafa Dhuxulow ayaa loo badinayaa in uu ka mid noqdo wasiirada cusub ee la filayo in dhawaan aay ku yimaadaan isku shaandheynta lagu sameynayo golaha wasiirada, iyadoo lagu wado in siddeed ilaa sagaal wasiir oo cusub aay ku soo biiraan golaha wasiirada halka kuwa kalena lagu sameyn doono isku shaandheyn.

dhuxulow

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com