Jubbaland oo marin habaabisay waftigii xuduuda loo diray iyo qorshe halis ah oo loo degay DFS..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdigii xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Baaralmaanka ee socdaalka xaqiiqo raadiska ah ku tegay degmooyinka Beledxaawo iyo Doolow ayaa sheegay inaysan jirin xadgudub ay Kenya ku sameysay xuduudka Soomaaliya sida ay hore u sheegeen mas’uuliyiinta iyo waxgaradka degmooyinkaasi.

Wafdiga dowladda oo uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayna ka mid ahaayeen xildhibaanada Xuseen Carab Ciise, Maxamed Cumar Dalxda iyo xubno kale, waxaa si lama filaan ah ugu biiray wafdi laga soo diray magaalada Kismaayo oo ka socday maamulka Axmed Madoobe oo uu horkacayay Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Jubbaland Mudane C/rashiid Janan.

Kooxda ka socotay Jubbaland ee Axmed Madoobe soo diray ayaa gebi ahaan afduubtay wafdigii xukuumadda iyo Baarlamaanka iyagoo noqday kuwa hagaya wafdiga oo tusinaya xuduudka iyo meelaha Kenya ku soo xadgudubtay, waxaana meesha laga saaray dadkii degaanka iyo madaxdii maamulada labada degmo.

Shir jaraa’id oo xubnaha maamulka Jubba ka dhex muuqdeen ayaa guddiga ku sheegay war ka farxiyay dowladda Kenya iyagoo sheegay in socdaalkoodii xaqiiqo raadinta ee wafdigu ku tegay Beledxaawo ay ku soo arkeen arrimaha soo socda:

1 – Inuusan jirin Derbi ay dowladda Kenya ka dhistay xuduudka labada dal.
2 – Inaysan jirin oo aanay soo arkin Calaamad xuduudeed la beddelay.
3 – Inay soo arkeen God lagu qiyaasay 1.6 m oo dhinaca Kenya laga qoday, kuna yaala meel u jira 6 talllaabo u jirta calaamadda xuduudda noo ah godkaas oo dherer kiisu yahay ilaa 700m.
4 – Inay arkeen duleedka Buuloxaawo jid la xaaray.

Arrimahan waxay yaab ku rideen dadkii ka war sugayay guddigan, waxaana shaki dhaliyay sababta keenay in shir jaraa’id ay qabtaan oo guddigu ku shaaciyaan wixii ay soo arkeen iyagoo guddi noocaasi ah ay khalad tahay inay warbixin saxaafadda siiyaan iyagoo aan dib ugu soo laaban golayaashii howsha u dirtay.

Marka la fiiriyo wixii ku dhacay guddigii xaqiiqo raadinta ee dowladda iyo Baarlamaanku u direen Gobolka Gedo waxaa muuqata inuu shaki weyn galay xaaladii markii horeba loo diray inay xaqiiqo keenaan, waxaana la sugaya sida loo marin habaabiyay guddiga inay ku raacaan Baarlamaanka iyo xukuumadda iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com