Gudoomiyihii gobolka Hiiraan oo xabsi la dhigay

Baladweyne (Caasimada Online) – Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM ee ka howlgala magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa la soo warinayaa inay isku gadaamen Hooyga Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Afrax.

Saraakiisha iyo Ciidamada ayaa xalay halkaasi kala baxay C/fitaax Afrax waxa ayna ula ruqaansadeen dhanka Saldhiga weyn ee AMISOM.

Saraakiisha ayaa hadda lasoo sheegayaa inay baaritaano ku hayaan C/fitaax oo la rumeysan yahay in dabintii lagu dilay Sargaal ka tirsanaa QM uu ka danbeeyay kaasi oo ay kharijiyeen istaafkiisa.

Saraakiisha AMISOM ayaa amar duldhigay Ciidamada Gudoomiyaha, kaasi oo ah inaysan hubka kala soo dhaqaajin karin goobaha ay ku sugan yihiin.

Ciidamada C/fitaax ayaa laga cabsi qabaa inay dagaal ka huriyaan Magaalada Baladweyne, waana tan keentay amarka kasoo baxay saraakiisha AMISOM.

Jawiga magaalada Baladweyne ayaa caawa ah mid kacsan waxa ayna dadka deegaanka yihiin kuwo mar waliba ku tashanaayo in lagu dul dagaalamo.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com