DFS oo sharciyeyneysa hay’adaha caalamiga ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Max’ed Cumar Carte Ra’isul wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Somalia ayaa daboolka ka qaaday in Xukuumadu ay ku dhaqaaqi doonto sameynta sharciyo gaar ah oo lagu hagi doono Hay’adaha deeqaha bixiya ee ka howlgala gudaha Somalia.

Carte oo ka duulaaya go’aankaasi ayaa waxa uu kulamo kala duwan magaalada Muqdisho kula qaatay qaar kamid ah wakiilada Beesha Caalamka iyo kuwa gargaarka bixiya.

Carte ayaa xubnahaasi u sheegay in DFS ay dhibaato badan ku qabto qulqulka Hay’adaha gargaarka bixiya oo markii ay ka shaqo bilaaban gudaha dalka dhan kale u roga shaqooyinkooda waxa uuna ka codsaday inay uga raali noqdaan sharcigaasi lagu xakameyn doono.

Waxa uu Carte sheegay in dhibaatooyin intaani kasii badan laga filankaro Hay’adahaasi, si taasi aysan u dhicin DFS ay go’aan ku gaartay in qaab wanaagsan lagula xisaabtamo Hay’adaha.

Sharciga la sameeyn doono ayuu sheegay in la horgeyn doono BFS si ay mar kale u dhaqan galiyaan, waxa uuna ku wargaliyay in dhankooda ay ka dhowraan sharciyadaasi.

Dadaalka Max’ed Cumar Carte ayaa u muuqanaaya in DFS ay qaati ka taagan tahay shaqooyinka ay Hay’adahaasi ka dhex wadaan gudaha iyo daafaha dalka, kuwaasi oo xiliyada qaar u shaqeeya qaab Sirdoon oo ay ku uruurinayaan xogaha dalka.

Dhinaca kale, caqabada ugu weyn ee iminka heysata DFS ayaa la rumeysan yahay inay tahay Hay’adaha kusoo qulqulaaya dalka oo aan shacabka u qaban wax muuqda.

Caasimada Online
Xafiiska Caasimada
Caasimada@live.com