Soomaali weerar ku qaaday baarlamanka Canada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ninkaani uu asalkiisu yahay Soomaali ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Yaasiin Cali waxa uuna qalqal iyo kala carar galiyay Xildhibaanada Baarlamaanka Canada.

Soomaaligaan ayaa waxaa lagu wadaa in maanta oo jimca ah lasoo taago maxkamada magaalladda Toronto ee dalka Canada, kadib markii la sheegay in maqar iyo Mindiyo uu ku weeraray Xarunta golaha shacabka ee Canada.

Ninkaani ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada amaanka dhismaha Baarlamaanka waxa uuna qorshihiisu ahaa in Hubkaasi fudud uu la dhexgalo xarunta kadibna uu ku waxyeeleyo Xildhibaanada Baarlamaankaasi.

Danbiilahaani ayaa maalinimadii doraad lasoo taagay maxkamada, balse dhageysiga dacwadiisa dib ayaa loo dhigay.

Dib u dhaca dacwada ninkaasi ayaa sabab u noqotay kadib markii la waayey qof u turjuma danbiilahaani.

Mid kamid ah Saraakiisha Booliska ee xarumta Baarlamaanka ayaa sheegay in Yaasiin Cali uu yahay nin lagu hayo fal danbiyeed sidaa awgeedna uu wajihi doono maxkamad.

Wuxuuna sheegay inuu fahamsan yahay in ninkaasi falkaasi u geystay sababo la xiriira xanuunka dhimirka.

Geesta kale, Yaasiin Cali oo deggan magaalladda Toronto ayaan la ogeyn sababta ku kalliftay in isagoo mindi wata uu galo Dhismaha Barlamaanka Canada ee Parliament Hill.

Caasimada Online
Xafiiska Nuqdisho
Caasimada@live.com