XOG: Kenya oo si jees jees u diiday dalabkii DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Joseph Nkaissery, oo saxaafada kula hadlay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay arrimaha la xiriira go’aanka uu BFS ka gaaray Ciidamada Kenya kaga sugan Somalia.

Wasiirka ayaa sheegay in BFS uu ku fududaaday go’aanka ah in Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo Somalia, waxa uuna sheegay in xiriirka labada dal uusan aheyn mid hadda bilow ah, Kenyana ay ku taameyso in Somalia ay ka dhaqaaqdo halka ay taagan tahay.

Joseph Nkaissery waxa uu sheegay in Kenya ay diyaar u tahay in DFS ay dhan waliba ka xaqiijiso war xuma tashiilka la faafiyay waxa uuna tilmaamay in Ciidamada Kenya ay taariikh ku leeyihiin Somalia.

Joseph Nkaissery waxa uu farta ku go’day in arragtidooda ay tahay in Ciidamada Kenya ay Somalia kusii jiri doonaan ilaa Somalia ay heer ka gaarto amaba ku dhacda wado ka duwan tan hadda ay ku sugan tahay.

DFS ayuu ugu baaqay inay dib uga laabato go’aankeedii ahaa in Ciidamada Kenya laga saaro Somalia, waxa uuna Mr Joseph Nkaissery ku baaqay inaan la xumeeyn xiriirka labada dal.

Dhanka kale, Kenya ayaa garwaaqsan inay talaabo horay uga soo qaaday calaamada kala qeybisa Somalia iyo Kenya, waxa ayna iminka naawileysaa inay sandullo ku socodsiiso rabitaankeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com