Xog: Biyo weerar kusoo qaaday Villa Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Xaruntaasi lagu arkay arrin inbadan ka yaabisay Mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha kadib markii ay buux dhaafiyeen biyaha ka dhashay roobka.

Biyahaani ayaa lasoo warinayaa inay dhex fariisteen goobo dhowr ah oo ka tirsan Villa Somalia, waxa ayna biyahaasi xireen wadooyin ay Mas’uuliyiinta isticmaali jireen.

Goobaha biyaha ay fariisten ayaa waxaa kamid ah meelaha Bakinka gawaarida madaxda, barxada weyn ee ku dhextaal bartamaha xarunta iyo goobo kale, waxaana socda dadaalo biyahaasi looga saarayo xarunta.

Goobaha ay biyaha faristen ayaa waxaan jirin cid si gaar ah u daneyneyso, inkastoo agaasinka guud ee Madaxtooyada ay wakhti danbe howlgalsheen shaqaale ka howlgala Villa Somalia oo ku shaqa leh howlaha ceynkaasi ah.

Mid kamid ah saraakiisha ka howlgasha Xarunta ayaa inoo xaqiijiyay in dhulka baaxada weyn ee Madaxtooyada uusan aheyn mid siman amaba loogu roonaaday ‘’shamiin dada’’ waxa uuna Sargaalkaasi rajo wanaagsan ka muujiyay in xal loo heli doono dhibaatadaasi.

‘’Dabcan wax layaab ah maaha in Madaxtooyada ay fariistaan biyaha roobka ka dhashay, ciladu waxa ay tahay sinaansho la’aanta dhulka. waayo wuu kala koreeya taasina waxa ay keentay in biyaha ay hal goob wada fariistaan’’

‘’Dhowr mar waan u sheegnay dadka ku shaqada leh, balse ma dhicin in shamiindo la saaro qeybaha biya dageenka isku bedeshay insha allah wey iska hagaagi doonta’’

Geesta kale, arrintaani ayaa layaab ku noqotay inta badan shaqaalaha DFS ee xaruntaasi ka howlgala, inkastoo maamulka madaxtooyada markii roobka uu da’o kusoo baraarugaan dhibaatadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com