DF oo abaal-marineysa ciidankii ka dagaalamay B/Xaawo – Maxay helayaan?

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dalacsiineyso ciidamaddii iyo saraakiishii dagaalka ku galay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ee iska difaacay ciidankii ku soo weeraray.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Cali Bogmadow oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beled-Xaawo ayaa sheegay in dowladda dalacsiineyso ciidankii iyo saraakiishii difaacday Beled-Xaawo, in kastoo uusan shaacin tiro rasmi ah oo loo qorsheeyey in la dalacsiiyo.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo ka mid ahaa wafdi wasiirro ah oo maanta gaaray Beled-Xaawo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dalacsiin u qorsheysay saraakiishii iyo ciidankii difaacay magaalada Beled-Xaawo.

“Saraakiisha iyo ciidanka jooga Beled-Xaawo waxay muujiyeen dadaal dheeraad ah, waxay mudan yihiin in la abaal-mariyo, anigoo wasiirkii Gaashandhigga waxaan soo jeedinayaa in la dalacsiiyo, dhammaan ciidamada qalabka sida ee ku sugan magaaladaan,” ayuu yiri wasiir Xasan Xuseen Xaaji.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta wafdi wasiirro ah u dirtay gobolka Gedo, waxuuna wafdigaas isku maray magaalooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo.

Sidoo kale weriyeyaal ka socday warbaahinta madaxa-banaan ayey dowladdu maanta geysay gobolka Gedo, gaar ahaan Doolow, Beled-Xaawo iyo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, si ay uga soo waramaan dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii Beled-Xaawo.

Wasiirrada gaashaandhigga, warfaafinta iyo cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya oo wafdigaas hoggaaminayey ayaa Doolow kula hadlay ciidamadii lagu qabtay dagaalkii Beled-Xaawo, waxayna u sheegeen in dowladdu cafisay oo la qarameynayo.

Sidoo kale wasiirradan ayaa ka dalbaday ciidamada kale ee la socda wasiir Janan inay isi-soo dhiibaan.

Isniintii todobaadkaan ayaa magaalada Beled-Xaawo waxaa goor habeen ah soo weeraray ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, kuwaas oo in ka badan 100 maxaabiis ah dagaalka looga qabtay.