DF oo baasaboor u diiday 5 Soomaali ah oo Jarmalka ugu xirnaa arrin xasaasi ah

Berlin (Caasimada Online) – Wargeyska caanka ee Die Welt ee ka soo baxa dalka Jarmalka ayaa qoray inay  DFS diiday in Baasaboorka Somalia la siiyo 5 Soomaali ah oo dhamaystay Xabsi ay muteysteen fal Burcad-baddeednimo.

Baaritaan cusub ayaa lagu sheegay in 5 ka mid ah 10 Soomaali oo lagu helay inay qafaasheen Markab laga leeyahay dalka Jarmalka dhamaysteen Xabsigooda, isla markaana ay Jarmalka ka codsadeen Magangelyo Qaxootinimo.

Wararku waxay sheegayaan in 5taas nin haatan ku nool yihiin Jarmalka, iyadoo la hakiyey qorshe loogu soo masaafurin lahaa dalkooda hooyo ee Somalia.

Wargeyska Die Welt waxa uu xusay inay Dowladda Jarmalka la soo xiriireen DFS si raggaasi loogu sameeyo Baasabooro ay dib ugu soo laaban karaan Somalia, balse, DFS wey ku gacan-sayrtay arrintaasi, inkastoo aan la faahfaahin waxa sababay in rag Soomaali ah loo diido in la siiyo Baasaboorkooda Soomaaliga ah si ay ugu soo safraan.

Hay’addaha Garsoorka iyo Socdaalka ee dalka Jarmalka waxay amreen inay raggaasi sii joogi karaan Jarmalka, iyadoo ay raggaasi codsadeen in la siiyo Magangelyo Qaxootinimo.

Tobanka Burcad-baddeed waxaa sannadkii 2012-kii lagu helay inay qafaasheen Markab nooca Kontaynarada xambaara ee MV TALPAN sannadkii 2010-kii.

Eedeysanayaasha waxaa lagu kala xukumay Xabsiyo kala duwan, waxayna Dowladda Jarmalka dacwadaasi ku kharaj garaysay in ka badan Hal million oo EURO, sida uu qoray Wargeyska Die Welt .

Dhinaca kale, sida laga soo xigatay Senator ka tirsan Aqalka Sare ee Maamul gobaleedka magaalladda Hamburg ee dalka Jarmalka waxa uu tilmaamay in 5ta kale ee Burcad-baddeedii Soomaalida uu mid ka mid ah u socdaalay dalka Sweden, halka 4 kalena ku laabteen Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Wargeyska Die Welt waxa uu qoray in 5ta ku harsan Jarmalka loo diiday Codsigooda Magangelyo-doonka, balse aysan wajihi doonin Masaafurin, maadaama aysan Baasaboor lahgayn, isla markaana ay DFS diiday inay Baasabooro siiyaan raggaasi, iyadoo aysan jirin Duullimaad Toos oo Jarmalka ka soo baxa, oo taga Somalia. 

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com