DF oo ciidamo horleh ka dajisay Galmudug + Ujeedka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamada horleh gaysay Galmudug, kuwaas oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo wata hubkooda iyo gaadiid dagaal ayaa gaaray magaalada Guriceel, halkaas oo ay kusoo dhaweeyene saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay ku biiri doonaan wajiga labaad howlgallada Al-Shabaab looga xoreynayo gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa innoo sheegay in ciidamadan ay si gaar ah u tagi doonaan furimaha dagaalka ee aagga deegaanka Shabeelow, si ay xoojiyaan ciidanka Xoogga dalka, kuwa Daraawiishta Galmudug iyo Macawiisleyda ku sugan halkaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiisha ku dareen in ciidamadan cusub ee gaaray Galmudug ay dhiig cusub ku shubi doonaan dagaalka, ayna weerari doonaan kooxda Al-Shababa.

Ujeedka ayaa ah in maalmaha soo socda la xoreeyo deegaanada ay haatan Al-Shabaab ka joogaan gobollada Galgaduud iyo Mudug oo indhowaanahan ay ka socdaan howlgallo culus.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, waxaana Galmudug ka soconayo diyaar garow ku aadan dagaal culus oo mar kale lagu qaado kooxda Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa si guud uga socdo howlgallo xereyn ah oo ay hormuud u tahay dowladda dhexe oo kaashaneysa maamul goboleedyada iyo sidoo kale dadka deegaanka.