Kheyre oo DF u diray farriin culus oo ku aadan ciidamada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal ka soo saaray go’aankii cunaqabateynta hubka looga qaaday dowladda Soomaaliya, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya u diray baaq ku aadan hubka iyo ciidamada qaranka.

Kheyre ayaa sheegay in go’aankaas uu Soomaaliya u horseedayo isku filaasho amni oo caalamka ay wax kula qeybsa karto.

“Hambalyo Soomaaliya oo Golaha Amaanka Qaramada Middoobay ka qaaday cunaqabateynta hubka, si Soomaaliya awood ugu yeelato iney amnigeeda gudaha, kan gobolka iyo caalamkaba ugu filnaato,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay sii wado qorshaheeda hagaajinta hay’adaha amniga. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay inay xaqiijiso xakameynta hubka iyo saadka ciidamada, si aysan u gelin gacan argagixiso.

Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale dowladda ku adkeeyey inay muhiim tahay in ciidamada qaranka loo dhameystiro xuquuqdooda.

“Waxaa Dowladda Soomaaliya waajib ku ah in ay sii waddo dardargelinta hagaajinta hay’adaha amniga iyo adkeynta habraacyada xakameynta hubka iyo saadka si loo xaqiijiyo gacan ku haynta guusha la gaaray, sidoo kalena waa lagama maarmaan in xuquuqaha kale ee ciidankeena qof iyo qoysba la kaamilo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre.

Golaha Ammaanka ee Qaranada Midoobe ayaa saqdii dhexe ee xalay u codeeyey in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saareyd 31-ka sano, waxayna dowladda Soomaaliya hadda kadib awood u leedahay inay nooc kasta oo hub ah soo iibsato.