Ciidamada DF oo hal goob ku dilay 60 Al-Shabaab ah

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka socdo aagga deegaanka Halgan ee gobolkaasi, kaas oo qaatay saacado badan oo xiriir ah.

Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamig ah, wuxuuna si gaar ah uga scodaa tuulada Hilow Bacaad oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan khasaare culus oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur lagu gaarsiiyay xubnaha kooxda Al-Shabaab oo ku sugan halkaasi.

Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda waxaa howlgalkan culus lagu khaarijiyay in ka badan 60 Al-Shabaab ah, kuwaas oo isku uruursanayay tuulada uu weerarka ka dhacay.

“In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo 8 KM dhinaca Koofur galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa intaasi kusii dartay in ciidamadu ay burburiyeen, isla markaana ay cagta maryeen saldhiyo ay kooxda ku laheyd halkaasi.

“Howlgalkaan oo qaatay Saacado badan walina socda ayaa sidoo kale waxaa lagu bur buriyay fariisimo ay khawaarijtu halkaasi ku lahaayeen iyo saanado ciidan” ayaa lagu yiri.

Xaaladda ayaa haaatan kascsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli howlgalka socdo, kaas oo lagu baacsanayo xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aagga Halgan.

Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka.