Saciid Deni iyo xisbiyada Puntland oo ku dhowaaqay mowqif la xiriira doorashada

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir socday shalay illaa xalay la qaatay xisbiyada siyaasadda Puntland, wuxuuna mar kale ku adkeystay doorashada la isku diidan yahay ee qof iyo cod. 

Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD, IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA.

War-saxaafadeed kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay in looga hadlay dardargelinta dhameystirka doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan. 

Shirka ayaa imanaya xilli mucaaradka Puntland ay weli diidan yihiin doorasho qof iyo cod ah, oo ay u arkaan mid uu Deni ku dheereysanayo muddo xileedkiisa ku eg bisha Janaayo. 

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay shirka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi oo socday maanta ilaa iyo caawa ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan.

Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne oo nabad ku dhaca, Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD, IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA. 

Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland waxay u mahadceliyeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo cidkasta oo door ka qaadanaysa doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, sidoo kale waxaa loogu baaqay cidkasta oo ka aragti duwan hanaanka şocda in albaabka wadahadalka u furanyahay. 

Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland, wuxuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni cod dheer ku sheegay in Dowladu diyaar u tahay wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo.