Cunto la’aan iyo xaalad halis ah oo ka jirta degmo ka tirsan gobolka HIIRAAN

Beledweyne (Caasimada Online) – Cunto la’aan iyo xaalad bini’aadannimo oo khatar ah ayaa laga soo sheegayaa degmada Jalalaqsi iyo deeggaanno hoos yimaada kadib markii Wabiga Shabeelle uu qararka goostay kuna fatahay deegaannadaas.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Nuur Maxamed Absuge (Nuur Dheere) oo la hadlay VOA ayaa sheegay in xaaladda deeganadaasi ay mareyso in dadkii ku noola ay naf ka raadiyaan “cowska”, ayna ku jiraan xaalad bini’aadanimo oo khatar ah.

“Baahi qof haysa waa arkay laakiin weligay ma arkin baahi cows ku geynaysa, marka ka hor ma arkin, waxaa maqli jiray dadka tahriiba kaadidooda ayay cabaan, tahriib waa nolol raadi iyo kibir adoo biyo nadiifa helaya, waa wax aad dooratee laakiin qof gurigeeda joogta oo wax ay ku cuntay weysay oo cows naf ka raadisay xaaladda gobolka sidaas ayay maree,” ayuu yiri guddoomiye Nuur Dheere.

Sidoo kale waxa uu baaq cod dheer u diray dadka kasoo jeeda gobolka iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed, si loogu gurmado dadka xaaladda bini’aadannimo ku haysato deegaanadaasi.

“Hooyada hadey saas gaarin, wey kusoo socoto maanta hadey hooyo Soomaaliyeed cows cuneyso oo aad ku fiirsato hooyada ayaa berri sidii noqoneysa,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Jalalaqsi oo baaq u diray Jaaliyadaha dalka dibaddiisa ee kasoo jeeda degmada.

Guddoomiyaha ayaa xusay in markii uu indhihiisa kusoo arkay xaaladda daran uu hay’daha degmada iyo ganacsatada ku booriyay inay taakuleeyaan dadkaasi, wuxuuna ugu baaqay dowladda iyo umadda Soomaaliyeed inay gurmad lasoo gaaran dadkaasi.

“Qofkii beer ku noola oo saddex sano u bixin, xoolo kale laheyn, wiilna dibad u jirin oo inta ay baxdo soo shaqeysaneyn, biyo ay go’doonsheen, aniga ayaa doon ku tagay dadka dhibaatadaas ayaa haysata Ilaahay ayaa naga dulqaadi kara, laakiin qof kasta oo bini’aadan ah oo gobolkaan kasoo jeeda, ama Soomaali ah umadda waxay rabaan in la garab istaago dadka waa ba’een.”

Hoos ka dhageyso wareysiga guddoomiyaha