DF oo ‘ciidan laga qaaday Muqdisho galabta ka dejisay’ qeybo ka mid ah Gedo

Baardheere (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Degmada Baardheere ee maamulka Jubbaland Ismaaciil Cabdi Qorrax, ayaa sheegay in ciidan aan la qoonin maanta laga soo dejiyay degmada Baardheere ee gobalka Gedo.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidankaan ay gaarayaan ku dhawaad 50 askari, oo aad u qalabeysan islamarkaana afka soo duubtay.

“Ku dhawaad 50 Askari oo afka soo duubtay ayaa ka soo dagay Baardheere, waxaana la sheegay in Muqdisho laga soo diray, waana arrin qal qal looga abuurayo degmada” ayuu yiri Ismaaciil Cabdi Qorrax.

Ismaaciil ayaa sheegay in ciidankan oo u qalabeysan oo tababar gaar ah qaba ay maanta diyaarad ka dejisay degmada Baardheere ee gobalka Gedo. Lama oga sababta keentay in magaaladaas ay gaaraan.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ee Gedo iyo qaar ku sugan Muqdisho, oo Caasimada Online la xiriirtay way ka gaabsadeen inay ka hadlaan ciidankan.

Xaalad cabsi ah ayaa hadda ka taagan degmada Baardheere waxayna wararku ay sheegayaan in ciidankaan ay doonayaan in ay soo qabtaan guddoomiyaha degmada iyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee gobalka Gedo, Sheekh Maxmaed Xuseen Isaaq Alqaadi.

Cabdullaahi Nuur Xasan oo ah guddoomiyihii degmada Baardheere ee xilka uu ka qaaday maamulka Jubbaland ayaa 23-ka bishii December sheegay in dowladda ay amartay in lasoo xiro Alqaadi.

Gobolka Gedo ayaa waxaa si aad ah isugu haya dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland. Guddoomiyaasha degmooyinka kala ah Baardheere, Baled-Xaawo, Luuq iyo Dolow ayaa horey uga goostay maamulka Jubaland islamarkaana taageeray dowladda, hase yeeshee Jubaland ayaa taas uga jawaabtay inay xilka ka qaado.