DF oo dalka ka mamnuucday shirkad diyaaradeed Kenyan ah oo ka degtay Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shirkad ka diiwaan-gashan Kenya ka mamnuucday inay mar dambe ka howlgasho dalka kadib markii ay Hargeysa ka dejisay qalab loogu talo-galay doorashooyinka Somaliland oo ay ka qaaday Nairobi.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkadda oo lagu magacaabo Astral Aviation la mamnuucay kadib markii ay ku xadgudubtay hawada Soomaaliya, oo ay Hargeysa tagtay ayada oo aan ogolaansho haysan.

Dowladda Kenya ayaa 14-kii May u fasaxday laba diyaaradood inay dalkeeda ka baxaan oo ay qalab electronic ah geeyaan Somaliland, inkasta oo ay mamnuucday duulimaadyada dalkeeda ka aadaya iyo kuwa uga imanaya Soomaaliya.

Diyaaradahan oo lagu fasaxay amar Khamiistii kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya, oo tirsigiisu yahay MFA/PRO.91/002 (052), ayaa lagu sheegay in laba diyaarad oo ay maamusho shirkadda Astral Aviation loo ogolaaday inay qalab ka qaadaan garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, inta u dhaxeysa May 13 illaa 15.

Labada diyaarad ayaa noocoodu yahay MacDonnell Douglas DCC-9F iyo Boeing B727-727F, waxayna ka diiwaan-gashan yihiin Kenya.

Kenya ayaa toddobaadkii tegay joojisay dhammaan duulimaadyadii Soomaaliya, marka laga reebo kuwa caafimaad iyo gargaarka bani’aadannimo ayada oo la rumeysan yahay inay kaga jawaabeyso qaadka Kenya oo ay Soomaaliya mamnuucday.