Rooble oo loogu baaqay inuu 5 arrin ogaado ka hor inta uusan tagin shirka May 20

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ah ayaa soo saaray qoraal uu talooyin shan qodob ah ugu soo jeediyey ra’iisul wasaare Rooble, kuwaas oo uu sheegay inay lama huraan tahay inuu wax ka bedelo marka la gaaro 20-ka bishan oo loo balan san yahay shir xal looga gaarayo khilaafka doorashada Soomaaliya.

“Waxay ila tahay in ay muhiim tahay in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu shan arrimood ogaado kahor inta uusan tagin shirka 20ka May,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Daahir Geelle.

Shanta qodob ee Daahir Geelle uu kula taliyey Rooble ayaa kala ah:

1- In uu ogaado in aan laga aqbali doonin wixii Farmaajo laga diiday.

2- In uu ogaado in heshiiski 17ka September uu kaliya aasaas yahay, balse ay tahay in laga heshiiyo waxa la isku haayo oo dhan.

3- In uu ogaado in taageerada uu ka haysto mucaaradka, ciidamada, beesha caalamka iyo guud ahaan bulshada ay tahay mid shardiyaysan oo uu ku kasbaday in uu ka leexaday waddadii hore loogu lumay.

4- In uu ogaado in arrinta aan sheegi jirnay ee ahayd in arrinta Soomaaliya ay tahay miis ku dhammaato uu micnaheedu yahay in ay ku dhamaato miis loo dhan yahay oon lagu kala maqnayn.

5- In uu ogaado in miiska oo saamilayda loo diido, kuwa fadhiyana looga kaco uu yahay habdhaqan hore loogu hungoobay laguna fashilmay.

Ugu danbayntii Daahir Maxamuud Geelle ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Walaalkeey Ra’iisalwasaare Rooble waxaan leeyahay si aad u guulaysatid waa in aad guul-darrooyinkii hore wax ka baratid.”

20-ka bishan May waxaa lagu wadaa inuu Muqdisho ka furmo shir ay khilaafka doorashada uga arrinsanayaan madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka, waxuuna mucaaradku Rooble ka dalbanayaa in shirkaas la balaariyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhawaan ra’iisul wasaaraha ku wareejiyey mas’uuliyadda doorashooyinka dalka, kadib markii uu ku guul dareystay inuu kala heshiiyo saamileyda kale, waxaana laga dhur sugayaa sida uu Rooble u maareeyo arrintaas.