Wararkii ugu dambeeyey ee shirka DF iyo maamullada iyo xubno soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilo ka socda dowlad goboleedyada, oo qaban qaabinaya shirka Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ayaa maanta soo gaaray Muqdisho, ayada oo la filayo in shirkaas uu furmo 20-ka bishan May.

Guddiga qaban qaabada shirka la filayo inuu Muqdisho ka furmo ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, waxayna uga wada hadleen qaabka ugu fudud ee uu ku furmi karo shirka.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa sheegay inuu muqdisho ka socdo qaban qaabada shirka uu iclaamiyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

“U diyaar garowga Shirka 20 May oo ay kaqayb galayaan dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa socda, waxaana  Gudiga qaban qaabada ee ka socda  Maamul goboleedyada ay maanta soo gaareen  Magaalada Muqdsiho, waxaana kulankan soo qaban qaabiyay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha,” ayuu yiri Macalimuu

Diyaar garowga loogu jiro shirka maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa imanaya ayada Golaha Midowga Musharaxiinta ay maanta sheegeen inay aad uga walaacsan yihiin inuu Rooble ka leexday dhex-dhaxaadnimadii.

“Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.

“Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.”