Midowga Musharaxiinta oo shaaciyey in Rooble uu ka leexday dhex-dhexaadnimadii

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa walaac ka muujiyey jawaabahay aan is-waafaqsaneyn ee dowladda federaalka ee ku aadan is-mari waaga hanaanka doorashada, waxayna ku eedeeyeen ra’iisul wasaare Rooble inuu ka leexanayo dhex-dhexaadnimada. 

“Markii hore dowladda waxay codsatay in Midowga Afrika uu soo faro-geliyey qalalaasaha, ayada oo ku doodeyso ‘In xal Afrikan ah loo helo dhibaatooyinka Afrika’ ayada oo ujeedko yahay in laga weecdo shaqada wakiilada beesha caalamka ee Xalane,” ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Golaha.

“Kadib magacaabistii wakiilka sare ee Midowga Afrika si uu mas’uul uga noqdo hanaanka, dowladda waxay ka laabatay codsigeedii hore ayada oo sheegeysa in Rooble uu bisha May 20-keeda qabanayo kulan la sheegay in lagu xalinayo arrimaha taagan.”

Golaha ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay inuu Rooble ka leexday dhex-dhaxaadnimadii.

“Goluhu wuxuu aad uga walaacsan yahay in ra’iisul wasaare uu u muuqdo inuu hoggaansamay cadaadis dibedda ah, taasi oo ku hoggaamisay inuu ka leexdo mowqifkii dhex-dhexaadnimo,” ayaa lagu yiri qoraalka Midowga Musharaxiinta.

“Goluhu wuxuu ra’iisul wasaare Rooble ku boorinayaa inuu muujiyo dhex-dhexaadnimo, islamarkaana joojiyo safarrada dibedda ah ee aan lagama maarmaanka aheyn, ahna waqti lumiska, deg degna u billaabay shaqo ku wajahan hanaan doorasho oo daah-furan ayna isku raaci karaan, wadana aqbali karaan shacabka Soomaaliya.” 

Eedeynta Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa imaneysa xilli bilowgii horeba la rumeysnaa in Rooble uusan laheyn karti iyo go’aan uu uga madax-banaanaado Farmaajo, waxayna tani abuuri kartaa xiisad cusub, haddii aanu kasoo bixin xeendaabka madaxtooyada.