Ciidamo ka tirsan Haramcad oo sameeyey gadood ka dhan ah DF Soomaaliya + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa sida-gaarka ah u tobabaran ee Haramcad ee ku sugnaa magaalada  Johwar ee caasimada maamulka HirShabeelle ayaa maanta sameeyay gadood.

Ciidamada oo dalbanayey in dib loogu celiyo magaalada Muqdisho ayaa gebi ahaanba xirtay waddooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada, taasi oo muhiim u ah isku socodkii dadka iyo gaadiidka, ayaga oo mararka qaarna ridayay rasaas goos-goos ah.

Ciidamada ayaa markii hore laga soo qaaday Muqdisho xilligii ay dhaceysay doorashada madaxda maamulka HirShabeelle, waxayna hadda dalbanayeen in caasimada dib loogu celiyo si ehelladooda iyo xaasaskooda uga war–qabaan.

Ciidamada gadoodka sameeynayey ayaa khal-khal amni ka abuuray gudaha magaalada, kuwaasi oo saameyn xoogan ku yeeshay ganacsiga iyo isku-socodka, sida ay qaar kamid ah dadka deegaanka u sheegen Caasimada Online.

Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada gadoodka sameeyay oo saacado kala xirtay magaalada dib loogu celiyay xeryahooda, kadib markii ay la kulmeen saraakiil sar-sare oo ciidanka.

Lama oga illaa hadda in saraakiisha ay ka aqbaleen dalabka ciidamada gadoodka dhigayay iyo in is-faham kale laga gaaray xiisada, sidaasina ay ugu noqdeen xeryahoodii.